Home Maxa Cusub MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH- FURAY HINDISAHA QARAN EE MUQDISHADA CUSUB

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH- FURAY HINDISAHA QARAN EE MUQDISHADA CUSUB

0

Muqdisho, Diseembar 19, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha Garoon diyaaradeed casri ah, Dekad caalami ah iyo Aagga dhaqaalaha Muqdisho oo laga hirgalindoono dhul masaafo ahaan ka fog caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Qorshahani uu yahay bilow cusub oo muujinaya aragtida fog ee dadka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga saarayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda, kuwaasi oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran.

“Qorshahani waa iskutashi Qaran oo waqti kooban nooga daba geynaya Ummadihii na dhaafay. Dowladda Soomaaliyeed, waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo walba oo fududeyneysa guuleysiga mashruucan oo ay ka dhalandoonaan fursado iyo shaqooyin badan oo aan hadda jirin”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hindisahani Qaran uu caalamka u muujinayo, sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, Dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga.

Munaasabadda Daah-furka Hindisaha Qaran ee Muqdishada cusub, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka caalamka u jooga dalkeenna iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Exit mobile version