Home ABROONE SHOW Maraykanka oo Puntland Ku Wareejiyey Qayb ka Haray Gantaalkii Lagu Garaacay Buuraha...

Maraykanka oo Puntland Ku Wareejiyey Qayb ka Haray Gantaalkii Lagu Garaacay Buuraha Calmiska

0

By AyroTV News Desk

Dowladda Mareykanka ayaa maanta Puntland ku wareejisay fuuq gantaal oo ka haray gantaaladii uu Mareykanka dhowaan ku garaacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Munaasabadda wareejinta ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, iyadoo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland, saraakiil sare oo ka tirsan maamulka, iyo wafdi ka socday ciidamada Mareykanka ee saldhigoodu yahay Bariga Afrika.

Qalabkan, oo ah haraaga gantaal, waxaa si rasmi ah u gudoonsiiyay Jananka Taliyaha Howlgalka Mareykanka ee Bariga Afrika, kaas oo maanta la sagootiyey maadaama uu dhammeystay waqtigii shaqadiisa ee gobolka.

Taliyaha Mareykanka ayaa sheegay in gantaalka haraadigiisa loo wareejiyey Puntland si loogu xasuusto iskaashiga dhinaca amniga iyo howlgalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo tilmaamay in xiriirka Puntland iyo Mareykanka uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysan doona.

Howlgalka Mareykanka ee ka dhacay buuraha Calmiskaad ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid guul leh, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday goobaha ay isku uruursadaan kooxaha hubeysan ee khatarta ku haya gobolka.


Exit mobile version