New York, Khamiis 26 Sebtembar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro Dowlaha ayaa ka wada hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.