Home Arimaha Bulshada SHACABKA AWDAL WAA INAY KA KORAAN ARRAGTIDA AY SIYAASIYIINTA MA GUDBAYAASHA XAMBAARSANYIHIIN

SHACABKA AWDAL WAA INAY KA KORAAN ARRAGTIDA AY SIYAASIYIINTA MA GUDBAYAASHA XAMBAARSANYIHIIN

0

Ayrotv.com- Baki- Shacabka reer Awdal xaq bay u leeyihiin inay ka cawdaan saamiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay ka heleen xukuumadii ay doorteen. Cali Xaamudse waa ku gef inuu shacabkaa iyo xukuumaddooda intuu soo kala dhexgalo, weliba hadana shacabka reer Awdal ku wanjalo Xamar baad doonaysaan. Malaha isagaa Xamar doonaya, maadaama isaga iyo saaxabadii ay saami ku leeyihiin shirkadda Xamar korantada u shida ee BECO.

Sababta 85% ka mid ah reer Awdal ay xukuumadda Waddani ugu codeeyeen waa inay u balanqaadeen

《1》Inay kordhinayaan saamiga siyaasadeed ee Gobalka Awdal

《2》Inay dhisayaan Jidka Baki — Borama

《3》Inay dhisayaan Jidka Borama – Dharwanaaje

《4》Inay dhisayaan Marsada Lughaya

《5》Inay dhisayaan madaarka Borama

《6》Inay fududeynayaan waxa xukuumadda kaga xidhan dhismaha jidka Jabuuti – Borama oo lacagtiisii Bangiga Horumarinta Afrika Shubay.

Dhamaan balanqaadyadaas oo uu xataa ku jiro in dastuurka la furo oo dalkoo dhan dan u ah, waa laga sugayaa Xukuumadda Waddani.

Waxyaaabaha kale ee xukuumadda looga fadhiyo waxa ka mid ah in kharash bixinta (spending expenditure) miisaaniyadda dawladda oo 90% hargeysa ku kooban la daandejiyo. Si gobal kaste kharashaadka hawl socodsiintiisa iyo kharshaadka mashaariicaha & qandaraasyada ee miisaaniyadda ugu jira magaalooyinkiisa loogu geeyo, dabeedna ganascatadiisa iyo bulshadiisu ay ka faa’ideysato.

Waxa kale oo xukuumadda waddani laga sugayaa inay dardargaliso mashruuca sharci ee mooshinkiisa baarlamanku ansixiyeen, kaasi oo ah wax-ka-bedelka lagu sameynayo kabka dawladda dhexe siiso dawladdaha hoose, kaasi oo hanaan doorbidan seddex degmo oo kaliya ugu sedburiya, kuwaasoo 93% isku hela kaligood. Halka 98 degmee soo hadhay; dhawr iyo toban ka mid ah ay qeybsadaan 7%-ga soo hadhay, kaasi oo Degmada Borama 1.7% kaliya ay ka hesho.

Qore : Abdirahman Mohamed Ibrahim

Exit mobile version