Home Arimaha Bulshada Soomaaliya ma noqon doontaa goob ay ku dagaalamaan Masar iyo Itoobiya?

Soomaaliya ma noqon doontaa goob ay ku dagaalamaan Masar iyo Itoobiya?

0

Kadib, markii Itoobiya ay soo hunguriyeysay dekkada Soomaaliya horeyna dekkada Berbera ay ugu lahayd boqolkiiba 19%, ayaa haddana waxay heshiis ay Imiraatka dabada ka riixayso la saxiixatay madaxaweyne Muuse Biixi Cabdi oo dekkadiisa loogu beddelanayo aqoonsi inay Itoobiya siiso, ayaa u gogol xaaraya in Itoobiya ay sameysato howlgal ganacsi oo dhanka badda ah, si ay u hesho saldhig millatari oo ay ka maamusho Badda cas

Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada Itoobiya qaadday ay halis ku tahay deris wanaagga iyo nabadda iyo xasilloonida.

Ayrotv-Addiss Ababa-Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Farxaan Jimcaale.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika inay iskugu yimaadaan shir degdeg ah oo ay kaga hadlaan tallaabada Itoobiya. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib ugu yeeranayso safiirkeeda Itoobiya si ay wadatashi ula samayso.

Dhinaca kalena madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in tallaabada Itoobiya ay qaaday ay tahay “nasiibdarro.” “Cid awood u leh dhulka Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dhulka ay iska leeyihiin jiilka soo socda.

Ka dib isbedelo waaweyn oo dhanka militariga iyo amniga ah oo dhawaanahan dhex maray Qaahira iyo Muqdisho, ayaa waxaa isa soo taraya hadal haynta ku aadan in Soomaaliya ay noqon karto goob dagaal oo u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya.

Markab laga leeyahay dalka Masar ayaa shixnad qalab ciidan ah soo gaarsiiyay Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, sida madaafiicda iyo qoryaha lidka diyaaradaha. Markab xamuul oo Masar ay leedahay ayaa xirmaddii labaad oo hub ah geeyey Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil militari iyo mas’uuliyiinta dekadda Muqdisho. Waa shixnaddii labaad oo hub ah oo Masar ay gayso Soomaaliya bil gudaheed. 27-kii agoosto, diyaarad militari oo Masar ay leedahay ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka dejisay hub iyo rasaas.

Ka dib markii hubka la geeyey Soomaaliya todobaadkan, Itoobiya, iyada oo sii mareysa Jabuuti, ayaa la sheegay in ay digniin u dirtay Masar oo ku saabsan in haddii joogitaankeeda ciidanku uu waxyeeleeyo danaha Addis Ababa ee Soomaaliya ay la kulmi doonto falcelin.

Masar oo ka jawaabeysa ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay si adag uga jawaabayso isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo joogitaanka Masar ee Soomaaliya ama danaha Soomaaliyeed.

Khariidadda cusub ee isbahaysiga

Danaha juquraafi-siyaasadeed ee iska soo horjeeda ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisado ka taagan Geeska Afrika, iyadoo xiisaha xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu gaaray meeshii ugu hooseysay muddo sanado ah.

Bishii Oktoobar 2023 ee la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in helista marin badeed madax bannaan oo dalkiisa aan bad lahayn ay tahay “arrin jirta”.

Bilo ka dib, bishii Janaayo, Itoobiya waxay Somaliland la saxiixatay heshiis is-afgarad ah oo ay ku aqoonsanayso gobolka gooni-goosadka ah, taas oo beddelkeeda ay Addis Ababa ka kiraysay dhul xeebeed ka tirsan oo ay ka dhisanayso saldhig ciidan.

Soomaaliya ayaa tallaabadaas u aragtay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida Qarankeeda, waxayna ku dhawaaqday inay ka shaqayn doonto sidii ay u wiiqi lahayd qaab kasta. Qaahira ayaa ka mid ahayd safarradii ugu horreeyay ee uu ku tago madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u sameysto garab taageero oo ka dhan ah Itoobiya, iyadoo Cabdel Fattah el-Sisi uu ku dhawaaqay in dalkiisu uu taageersan yahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dhankeeda, Masar waxa ay Itoobiya sannado badan ku lug lahayd colaad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ee loo yaqaanno GERD. Wax yar ka hor heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, Qaahira waxay ku dhawaaqday in la soo afjaray wada-xaajoodkii Addis Ababa ee ku saabsan biyo-xidheenka waxayna ku celisay xaqa ay u leedahay inay difaacdo biyaha iyo amniga qaranka.

Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee laga dhisayo webiga Buluugga Niil ayaa lagu wadaa inuu noqdo mashruuca ugu weyn ee korontada laga dhaliyo Afrika balse waxa uu udub dhexaad u ahaa khilaafka Masar iyo Suudaan tan iyo markii ay shaqadu bilaabatay 2011-kii.

Iyada oo ka jawaabaysa, Masar waxay u qortay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay “inay diiwaangeliso diidmadeeda oo ay si buuxda u diiddo sii wadida Itoobiya ee buuxinta biyo-xidheenka Renaissance ee halka dhinac heshiis la’aanta ah.”

Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in Masar ay ilaalinayso “xaquuqdeeda sharciga ah… in ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo sugo oo loo ilaaliyo ammaankeeda qaranka, oo ay ku jirto khatar kasta oo ay keeni karto tallaabooyinka hal dhinac ee mustaqbalka Itoobiya.”

Biyo-xireenkanka Itoobiya oo ku kacaya $4.2-Bilyan ayaa ugu dambayntii la filayaa in uu soo saaro in ka badan 5,000 oo megawatts oo koronto ah, taas oo ka badan laban laabmidda wax soo saarka Itoobiya. Geedi socodka buuxinta kaydka baaxadda leh ee GERD waxa uu bilaabmay sanadkii 2020, iyada oo Itoobiya ay ku dhawaaqday bishii luulyo ee sanadkaas in ay gaartay hadafkeedii ahaa 4.9 billion cubic meter.

Ergeyga cusub ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer oo ku sugnaa dalka Itoobiya taasoo la xariirtay wada hadalo la filayey inay ka mid yihiin muranka biyo xireenka. Ergeyga ayaa horey wadahadal ugu yeeshay Masar.

“Waxaan si firfircoon ugu hawlannahay inaan taageerno dariiqa diblomaasiyadeed ee horay loogu sii soconayo ee hoos yimaada Midowga Afrika kaas oo ku yimaada heshiis bixiya baahida mustaqbalka fog ee muwaadin kasta oo ku teedsan wabiga Niil,” ayuu yirri Ergeyga cusub ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in mashruuca biyo-xireenka dalkiisa la filayo in la dhammeeyo dhammaadka sanadka. Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa hadalkan ku tilmaantay “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin”, iyadoo ay sare u kacday xiisadaha u dhexeeya saddexda dhinac taasoo keentay cabsida laga qabo in loo dhaqaaqo colaadda milateri ee gobolka.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka digay in Itoobiya ay “ bahdili doonto” ummad kasta oo isku dayda in ay halis geliso madax-bannaanideeda, xilli ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Itoobiya, Soomaaliya iyo Masar ee ay deriska yihiin.

Isbaheysiga cusub ee Masar iyo Soomaaliya

Isbaheysiga cusub ee Masar iyo Soomaaliya ayaa socda hawlgalada heshiisyadii ay si wadajir ah u kala saxiixdeen bartamihii Agoosto. Heshiiskaas kadib, waxaa Muqdisho soo gaaray diyaarado ay leedahay dowladda Masar oo siday qalab iyo farsamo-yaqaano Masaari ah, si loo dhaqan geliyo qodobbada heshiiska, iyadoo kumannaan askari oo Masaari ah la filayo in ay bedelaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah nabad ilaalinta Afrikaanka ee ka howlgala Soomaaliya horraanta sanadka soo socda.

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Jeneral Berhanu Jula, ayaa arrimahan ka jawaabay, wuxuuna sheegay in dalkiisu aanu u istaagi doonin isku dayga ay ciidamada shisheeye ku doonayaan inay ku fidiyaan xasilooni darrada gobolka. Ciidamo Itoobiyaan ah oo xoojin ah ayaa dhanka kale loo soo diray dhanka xadka Soomaaliya sidoo kale waxay oo la wareegeen garoomaha diyaaradaha ee Gobolka Gedo.

Dowladda Itoobiya iyadoo ka faa’idaysanayso khilaafka u dhexeeya Maamulka Puntland iyo dowladda dhexe waxay hub ‘sharci darro’ ah geysay maamul-goboleedka Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya in ay “shixnad hub iyo rasaas ah oo aan la fasaxin” u soo dirtay maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad u cambaareyneyso tallaabadaas. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay labo gaari oo nooca xamuulka qaada ah oo hub siday ay gaarsiisay Puntland.

War saxaafadeedka laguma sheegin xilliga hubkan la soo gaarsiiyay Puntland. “Tallaabadan waxay ka dhigan tahay xad-gudub weyn oo lagu sameeyay madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna saameyn weyn ku leedahay amniga dalka iyo kan gobolka,” ayaa lagu yirri qoraalka.

Jabuuti oo deked u fidisay Itoobiya si ay u qaboojiso xiisadda gobolka

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisu uu hayo hindise lagu xallin karo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dalkiisu uu u yaboohay in Itoobiya ay hesho dekedda Tadjoura oo qiyaastii 100 KM u jirta xuduudka Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Jabuuti iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Turkiga ay isku dayeen in ay xaliyaan khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya “Jabuuti xataa waxay diyaar u tahay inay ku wareejiso deked cusub, deked cusub oo la dhisay, marin cusub oo ilaa xuduudka waqooyi ee Jabuuti, marinkaas wuxuu noqon doonaa mid waxtar weyn u leh Itoobiya, ugu yaraan waxay dhimaysaa kharashka ku baxaya. gaadiidka,” ayuu yirri wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

“Jabuuti xitaa waxay diyaar u tahay inay ka fiirsato isku dhafka maamulka dekedda iyo Itoobiya,” ayuu raaciyay.

Wasiirka oo la waydiiyay in yabooha Jabuuti uu ku jiro saldhig ciidan oo ay Itoobiya yeelato, wuxuu ku jawaabay, “Maya”. Wasiirka ayaa sheegay in hindisaha Jabuuti uu yahay mid ku saleysan qorshe dib loogu soo celinayo xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Khilaafka u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya waxaa hadda loo soo raray Soomaaliya – Meeshii labo maroodi isku dagalaan cawska ayaa ku dhiban

1991-kii, Soomaaliya waxay la kulantay dib u dhac weyn waxayna madaxa la gashay dagaal sokeeye oo heer ay gaartay madaxda Soomaaliya in ay Itoobiya farta ugu yeerto. Waxaa burbur xooggan ku yimid hay’adihii dowliga ahaa.

Soomaaliya waa ay awoodi waysay inay dib ugu soo kabato dhibaatooyinkaas, waxayna dhexgashay kala qaybsanaantan baahsan oo sababay nidaamka 4.5. Arrintaan waxay ka tarjumeysaa caqabado badan oo Soomaaliya ka haysta la dagaalanka kooxda ee Al-Shabaab iyo sugida amniga guud ahaan dalka.

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland ayaa xaalad kale oo cakiran ku soo kordhiyey Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa dooneyso inay ka faa’ideysato taageerada Qaahira si ay gacan uga geysato dib u habeynta ciidamada Soomaaliya iyo kor u qaadida mowqifka siyaasadeed ee Soomaaliya ee arrimaha gobolka, marka laga soo tago faa’iidooyinka dhaqaale.

Tusaale ahaan, qodobbada heshiiska ayaa dhigaya in Qaahira ay tababarto ciidamada milateriga iyo kuwa nabadsugidda Soomaaliya, lana isku dhaafsado xogta sirdoonka. Qaahira ayaa sidoo kale la filayaa in horaanta sanadka soo socda ay ka qeybgalaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka howlgala Soomaaliya, kumanaan askari Masari ah ayaa la geyn doonaa gobolada Soomaaliya ee xuduudka la leh Itoobiya.

Arrintan ayaa Masar u sahlaysa in ay dhaqdhaqaaq sirdoon ka fuliso gobolka iyo in ay la xiriirto kooxaha fallaagada ah ee ku sugan gudaha Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa bartamihii bishii Sebteember sheegay in Soomaaliya ay ka fiirsan doonto inay xiriir la sameyso jabhadaha ka dagaalama Itoobiya, haddii ay dowladda Itoobiya isku daydo inay fuliso heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Midowga Afrika iyo guddiga dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika, Nebiyu Tedla, ayaa dhaliilay hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Waa wax lagu qoslo in la arko xubno al-Shabaab ah oo iska dhigaya mas’uuliyiin dowladeed, kuwaas oo aan awoodin in ay si hufan uga shaqeeyaan meel ka baxsan Banaadir (aagga Muqdisho) oo ka sheekeysanaya wadaninimo xalaal ah, oo ay horseed ka tahay maamul beeleedyo cidhiidhi ah,” Nebiyu Tedla ayaa kusoo qoray X.

Soomaaliya iyo Itoobiya waxa dhexmaray laba dagaal oo ay taageereen jabhadihii 1970-meeyadii iyo 80-aadkii.

Bishii Febraayo 1988-kii, madaxweynihii Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre iyo madaxweynihii Itoobiya Mengistu Haile Mariam, waxay Jabuuti ku gaareen heshiis uu dhexdhexaadinayey madaxweynihii Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon. Waxay ku heshiiyeen inay joojiyaan colaadda, waxayna go’aansadeen inay joojiyaan taageerada ay midba midka kale u fidiyo jabhadda.

Itoobiya waxay dekadda Berbera ku leedahay saami 19% waxaana sidoo kale kula jira Imiraatka. Garabka ay ka helayso Imiraatka awgeed waxay isticmaashay dhammaan kaararka ay isticmaali karto. Dhinaca kalena, Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ma ahan shaqsi go’aan adag leh hadalkiisa iyo ficilkiisana ismalahan, wuxuu 17-kii Agoosto khudbad aad u adag ka jeediyey Telefiishanka kaga dhawaaqay in dalkiisu aanu wax wadahadal ah la yeelan doonin Itoobiya, haddii aanay “ aqoonsan Qaranimada Soomaaliya” ayaa ka qeyb galay dhexdhexaadinta Turkiga oo hadda halis ku jirta.

Doorka Turkiga ee dhexdhexaadinta Geeska Afrika

Turkiga ayaa bilaabay hindise uu ku heshiisiinayo laba ka mid ah saaxiibadiisa ugu muhiimsan ee Bariga Afrika kaasoo bilaawmay bishii Maay ka dib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku tagay Ankara.

Doorashada Turkiga ee ah in ay ciyaaraan doorka dhexdhexaadinta ayaa sabab u ah xiriirka adag ee uu la leeyahay labada dhinac ee isku haya gobolka, iyadoo Ankara ay ka mid tahay ciyaartoyda gobolka ee caanka ah ee Geeska Afrika, taas oo leh muhiimad juquraafiyeed sare.

Turkiga ayaa dano dhinacyo badan leh ka leh Itoobiya, waxaana lagu soo waramayaa in uu yahay isha labaad ee ugu weyn ee maalgashiga tooska ah ee Afrika marka laga reebo Shiinaha.

Sida uu sheegay safiirka Turkiga ee Addis Ababa, waxaa dalka Itoobiya ka hawlgala ku dhawaad ​​200 oo shirkadood oo Turki ah, kuwaas oo ka hawlgala qaybo kala duwan, gaar ahaan dhinaca dhismaha, dawooyinka iyo warshadaha cuntada.

Itoobiya ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka sida weyn u iibsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga iyo rasaasta uu ka sameeyo qaaradda.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa laf dhabar u ah saameynta Turkiga uu ku leeyahay gobolka, maadaama Soomaaliya ay martigelinsay saldhigga ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dal dibadda ah. Turkiga ayaa sidoo kale tan iyo sanadkii 2011-kii ka howlgalayay dalkan istaraatiijiga ah, waxaana bishii Febraayo labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca ah kaas oo Ankara ka caawin doono Soomaaliya in ay difaacdo baddeeda si ay uga hesho faa’iidooyin dhaqaale.

Dadaalka Turkiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku soo aadaya doorka sii kordhaya ee Turkiga ee dhex dhexaadinta gobolka iyo kan caalamiga ah. Falanqeeyayaasha qaar ayaa soo jeedinaya in rabitaanka Ankara ee dhexdhexaadinta gobolkan juqraafi ahaan xasaasiga ah ay qayb ka tahay istaraatiijiyad ballaadhan oo lagu kobcinayo saamaynta ay ku leedahay Afrika iyada oo loo marayo aaladaha tamarta jilicsan sida bixinta taageero dhaqaale iyo diblomaasiyadeed iyo gargaar bini’aadantinimo.

Maalgashiga ballaaran ee Turkiga uu ku sameynayo labada dal ayaa sidoo kale u muuqda mid ku dhiirigelinaya Ankara si ay uga hortagto inuu xumaado xiriirka u dhaxeeya, maadaama dagaal kasta oo ku soo wajahan gobolka uu halis gelin karo danaha Ankara.

Sida uu qabo Tunç Demirtas, Kaaliyaha Xiriirka Caalamiga ah ee Jaamacadda Mersin, khilaafka hadda jira wuxuu leeyahay saameyn juqraafiyeed ballaaran oo ka baxsan welwelka Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama laga yaabo inuu saameyn ku yeesho Jabuuti iyo Badda Cas, sidaas darteed Masar, Yemen, Sacuudi Carabiya, iyo Suudaan.

Turkigu waxa uu doonayaa in uu ilaaliyo dheelitirka ka dhanka ah carqaladaynta ka imaan karta danaha juqraafiyeedka iyo khatarta u ogolaanaysa jilayaasha hubaysan ee aan dawliga ahayn iyo ururada argagixisada in ay ku lug yeeshaan geedi socodkan.

Waxaa intaa dheer, hindisaha Turkiga ee dhexdhexaadintan waa isku day ay Ankara ku doonayso inay door ku yeelato taageeridda iyo difaaca shuruucda caalamiga ah ee nidaamka caalamiga ah, iyada oo la tixgelinayo in is-afgaradkii ay kala saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland aan loo arkin mid sax ah, Demirtas ayaa u sheegay warbaahinta.

Cabsida laga qabo iskahorimaad hubeysan

Shadi Ibrahim, oo ah cilmi-baare u dhashay Masar oo dhinaca daraasaadka amniga iyo xiriirka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Istanbul Sabahattin Zaim, ayaa aaminsan inkasta oo ay suurtogal tahay in Masar iyo Itoobiya ay isku dhacaan gudaha Soomaaliya, haddana waa wax aan dhici karin.

Iska horimaad kasta oo suurtagal ah kuma xirna Qaahira ama Addis Ababa oo keliya, maadaama xoogagga kale ee saameynta ku leh Soomaaliya ay ku dadaali doonaan inay ka hortagaan xaaladdan oo kale, ayuu yirri.

Cilmi-baare Shadi Ibrahim ayaa ku macneeyay in Turkiga uu saameyn weyn ku leeyahay Soomaaliya, islamarkaana uu hormuud ka yahay dadaallada lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Tani “waxay muujineysaa in Ankara ay cadaadis saari doonto oo ay isku dayi doonto inay ka hortagto xiisad kasta” ee gobolka ah, ayuu yiri cilmi-baaraha.

Cabdishakuur Cabdisamad Xassen oo ah falanqeeye siyaasadda Itoobiya ayaa aaminsan in suurtagalnimada dagaal Itoobiya iyo Masar ay ku qaadaan Soomaaliya ay tahay mid aad u yar.

Jilayaasha caalamiga ah iyo kuwa gobolku uma dulqaadan doonaan iskahorimaadka cusub ee gobolka, kaas oo ay ku hareeraysan yihiin dagaallada ka socda Yemen, Suudaan, Liibiya, iyo Qaza.

“Colaad kasta oo noocaas ah waxay sii hurinaysaa Geeska Afrika oo dhan,” ayuu yirri Cabdishakuur Cabdisamad Xassen oo ah falanqeeye siyaasadda Itoobiya.

Marka laga yimaado jawiga kacsan, dad badan oo wax indha indheeya ayaa tilmaamaya in labada dal aysan u diyaarsanayn dagaal toos ah, iyadoo Qaahira ay marayso xaalad xasaasi ah oo dhanka ammaanka ah oo ay ka socdaan dagaallada ka socda Suudaan iyo Qaza oo ay weheliso dhaqaale xumo gudaheeda ah.

Dhanka kale Itoobiya waxay la ildaran tahay saamaynta dhaqaalle xumadii sababtay Dagaalkii Tigray (2020-2022) marka laga reebo khalkhal weyn oo dhanka ammaanka ah iyadoo dhaqdhaqaaqyada fallaagada ee dalka ay sii ballaariyeen dhaqdhaqaaqooda.

Kaararka Masar iyo Itoobiya ee Soomaaliya

In kasta oo aanay Qahiro iyo Addis Ababa aysan horey u dhexmarin dagaal toos ah oo dhexmaray labada dal, haddana waxaa jiray dagaal dhexmaray Boqortooyadii Xabashida iyo Khedivate ee Masar, oo ahayd dawlad iskeed isu taagtay oo ka talinaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, intii u dhaxaysay 1874 ilaa 1876. Colaaddaasi waxa ay sababtay guul oo Xabashida gaartay taas oo dammaanad qaaday inay sii socoto xornimada Itoobiya.

Haddana waxa la saadaalinayaa in ay geli doonaan qaabab kale oo ‘dagaal ah’ oo ka dhex dhici kara gudaha Soomaaliya si ay ugu weyn ugu yeeshaan gobolka geeska Afrika. Haddii labada dal isku dhexdagalaan gudaha Soomaaliya, waxay helayaan faa’iidooyin u gaar ah, laakiin qasaaraha ugu weyn wuxuu soo gaarayaa shacabka Soomaaliyeed.

Intaa waxaa dheer, labada dal waxay u baahan yihiin taageero diblomaasiyadeed oo labada dhinac ah oo ku saabsan walaacyada ay qabaan. Masar waxa ay hiigsaneysaa in ay hesho taageerada Soomaaliya ee ku aaddan mawqifkeeda mashruuca biyo-xireenka Itoobiya iyo in ay bedesho mowqifka Muqdisho, oo markii horre dooratay mowqif dhexdhexaadnimada 2020. Dhanka kale, Soomaaliya, waxay ka faa’iideysan doontaa xiriirka sii kordhaya ee ay la leedahay Qaahira si ay u taageerto hindisayaasha caalamiga ah ee ilaalinta nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Taageerada iyo tababarida Masar ay siiso laamaha amniga Soomaaliya iyo ka qeyb galka ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika ay xoojin doonto awooda dowladda Soomaaliya ay kula dagaalanto kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, kaalmadan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay horseeddo inay kordhiso saamaynta Qaahira ee Soomaaliya marka loo eego dhinaca ciidamada iyo amniga.

Si kastaba ha ahaatee todobaadyadii u dambeeyay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka biyo diiday faragelinta Masar, waxayna dalbanayeen in ciidamada Itoobiya ay sii joogaan. Waxa kale oo jirta suurtogalnimada in Itoobiya ay doonayso inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay dhaqdhaqaaqa Al-Shabab si ay uga hortagto saamaynta Masar iyo ilaalinta xasiloonida xuduudka la wadaago.

Xigasho: Diblomaasi.com

Exit mobile version