Qiyaasti Sanadki 1972-73, waxaan goob joog ka ahaa madaxweyne Siyaad Bare oo waabarigii waagu wac yiri isugu yeeray Rag aqoon-yahan oo Cilmi dartiisaTimaha iyo Garku cadaadeen, oo markaas u door-bidahayey in wax fikrad ah ay ku biiriyaan, gaar ahaan sidi talooyin qorshe dejinta Reer Miyiga talo looga siin-lahaa
Madaxweyne Maxamed Siyaad oo markaas xaruntiisa ahayed Xeradi Afisiyoone iyo waabki shirka, oo isagu qorshahaas watay, wuxuu saacad iyo wax ka badan aqoon-yahanadaas u sharxay guud ahaan dhibaatada ka haysata Reer Miyiga xaga hayaanka Guur-guurka iyo socdaalka badan, wuxuuna yiri: Ummada somaaliyeed boqlkiiba 70% waxay yihiin Reer Guuraa xoolo dhaqato ah, sidaa daraadeed ayey lagama-maarmaan u noqotay in dib loo habeeyo dejinta dadka si loo gaarsiyo horumarka .. wuxuu kalo yiri: Dejinta dadka xoola dhaqatada ahi, waa siyaasad loo qorsheeyey in lagu socdo laguna rajo weyn-yahay in lagu gaaro guul, taaso si wacan la doonaayo in la isugu dheeli tiro dadka degan Miyiga iyo kuwa magaalooyinka, beeraha, xeebaha, oo ay gidigood ka wada qayb qaataan kordhinta dhaqaalaha Ugu dambeysti Madaxweyne Siyaad marku hadalki hordhaciisa dhibtay, waxuu aqoon-yahanki ka codsaday iney barnaamijkaas ka fikir ahaan soo darsaan talana ka soo siiyaan, isagoo siiyey muddo bil ah oo ay natiijada aragtidooda ugu keenaan, lana isa soo waafajiyo falka iyo fikirka
Warba Waa Kan Dambeeye .. Aqoon-yahanadi oo mudo bil ah daraasad ku maqnaa, waxay mar kale la kulmeen Siyaad Bare oo yiri soo dhawaada, waxay u sharaxeen fikrad ahaan waxa ay ka qabaan Dajinta Reer Miyiga, isla markaana iyadoo qoraal ahna wey u dhiibeen iyado nuxurka doodooda iyo daraasadooda ay ku saleysneyd in guud ahaan dhibka ka jira somaliya u yahay Geela” Kulo Fitna Cinda Geela” waayo ayey yiraahdeen: Dabeecada Geela saameyn weyn bay ku ledahay dajinta, Akhlaaqda iyo Nabada bani-aadamka .. waxay dhaheen Geela dadka dhaqda ama hilibkiisa cuna waxay yeeshaan dabeecada Geela, oo matalan Geelu haddu wax qoonsado waa caro dhaw-yahay, waana halis inu ku dilo, mana yaqaan waa lagaa adkaaday oo ila u ka dhinto ma istaagaayo, sidaa daraadeed bulshada somali meel-kasto ay joogto waxay leeyihiin dabeecadaha Geela, taaso micnaheedu yahay “Geel Inta ay somali dhaqaneyso Nabad iyo horumar ma jireyso, balse waxay u taagn-yihiin dirir iyo colaad
Nin ka mida aqoon-yahanada ayaa markiisa hadal dhiranaan la istaagay, wuxuu yiri: Madaxweyne Qolo kasta oo xoolo dhaqata, waxay la mid noqdaan dhaqanka xoola-hooda, Example ayuu yiri Dadka dhaqda Khaansiirka amase hilibkiisa cuna, waxay noqdaan Dad aan damiir lahayen oo xitaa aan ka xishoon galmada Muxaramka, sidaas oo kale wuxuu yiri dadka Daanyeerka dhaqda amase hilibkiisa cuna waxay u dhaqmaan sida Daanyeerka oo intaa bod-bood iyo Niiko ay ku jiraan, Sido kale Dadka dhaqda Fardaha, waxay ku suntan-yihiin dhaqanka Farda-hooda oo waxy leeyihiin xoog, ad-adeyg iyo awood Ee madaxweyne aan Geela layno si ay umadda mar-dambe ugu horseedin dagaal, balse layn-tooda waa danaha somaliyeed, horumar iyo doonis nabadeed.
Shirki oo gunaanad galay, madaxweyne Siyaad Bare oo sidiisaba Af-maal ahaa, hamaansi Libaax marku hadlaayo, ayaa Af-celin hadalki qaatay, wuxuuna yiri: Geela ayaa kamid ah xoolaha ay sida weyn u jeceshahay Soomaalida isla markaana ay dhaqato, wuxuu kaga duwan yahay xoolaha kale ee la dhaqdo xaga manfaca iyo faa’idada laga helo caanaha, hilibka, gaadiidka iyo faa’iidooyin kale .. Caadiyan Geela waxa uu magac iyo muuno gaar ah ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida oo xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaala-hooda iyo noloshooda ee Caqli iyo ruuxiyad iyo Dhaqan ahaanba cid la marsiin-karo baa iska yar in somali Geela laga cirib-tiro, taas waa cqli daahan, Balse annagu “Kacaanku” ma gaabineyno, ma quusaneyno mana ka noqon-meyno ee raali ahaada shirkuna waa noo xiran-yahay,
Aqoon-yahanadi goobti waa ay ka bul dhaheen, hasa ahaate Siyaad Bare oo weli sii fadhiyey Waabki qaabilaada, marku ii dhiibaayey Galki warbixinta ay soo qoreen, ayuu hadal ka daba tuuray oo wuxuu yiri: Horaa loo yiri Ninba caqligiisa buu kor tagaaye ee Digtoor-nimadu Caqli ay gasho ayey u baahan-tahay .. Bal Eeg waxay isla soo taageen kuwa wax noo soo bartay .. Wuxuu yiri Dadka Somaaliyeed iyo Geela waxaa ka wada dhexeeyaa xiriir taariikh fog leh, Geela ayaa qarniyo badan lagu soo dhaqmay, muddo qarni ka qarni ah
, Hadaba xaajo niman ogeyn baa indhaha ka tuure waxaan soo joogay ayuu yiri: Guumeysigi ingiriiska oo mar ku taliyey in somali Geela laga dhameeyo si loo gaajeysiiyo dabadeed loo cabiidsado
Qore: Maxamed Alihashi ( Ina Cadaawe)
Reff: Galdogobtimes.com