Home Arimaha Bulshada Xukuumada Cusub ee Somaliland oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Heshiiskii Ankara iyo Isfahankii...

Xukuumada Cusub ee Somaliland oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Heshiiskii Ankara iyo Isfahankii Itoobiya.

0

Ayrotv.com- Sabti, Dec, 14, 2024 Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskii Ankara ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay arrin aan khuseyn Somaliland, waxa kale oo ay xustay in is-fahamkii Somaliland iyo  Itoobiya dib u eegis lagu samayn doono.

Afhayeenka Xisbiga Waddani, Maxamed Faraax Cabdi, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in heshiiska Ankara uu dhexmaray labo dal oo jaarka ah oo aanu saameyn ku lahayn Somaliland.

“Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal anagnuna waxan nahay Somaliland,” ayuu afhayeenku BBC-da u sheegay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay mowqifka xukuumadda cusub ee ku aaddan heshiiskii is-faham ee horey u dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya. Wuxuu xusay in xukuumaddiisu weli aanay arag isfahankaasi, balse marka ay qiimeeyaan la gaadhi doono go’aan ku saleysan danta Somaliland.

“Xukuumaddu hadda ayay talada la wareegtay, waana arki doonnaa, marka la derso haddii ay danta Somaliland ku jirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteennu ku jirinna laga shaqeyn mayo,” ayuu yidhi afhayeenku.

Xukuumadda cusub ayaa ballanqaaday in dhammaan heshiisyada muhiimka ah dib loo eegi doono si loo hubiyo in ay waafaqsan yihiin danaha Somaliland iyo mustaqbalkeeda. Waxaa sidoo kale xukuumaddu diiradda saartay in ay mudnaanta siiso mashaariicda horumarinta iyo nabadeynta gobollada bariga.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhawaan dalka Turkiga ku gaadhay heshiis dhigaya in Itoobiya ay marin badeed ka hesho Soomaaliya, iyo in Itoobiya ay aqoonsato midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xigasho: ( HOL )

Exit mobile version