Home Arimaha Bulshada Galgacaylka miyaa la aasay ( duugay ) mise wali waa noolyahay ?

Galgacaylka miyaa la aasay ( duugay ) mise wali waa noolyahay ?

13
0
- Advertisement -

Ayrotv.com Walaalgoo- Galgacaylka miyaa la aasay ( duugay ) mise wali waa noolyahay ?

Caweysin Wanaagsan Ilma Geedo Diirte….

- Advertisement -

Qisadii deegaanka ”Walaal goo” & Walaalihii wadna goynta bilaabay…..

Lulu’a ( Lula + Luuleey ) iyo Qaliima waa labadii gabdhood ee ku kala lamaanaa Qabiil ( Qab-Iil ) iyo Haabiil ( Hab-Iil ) Haabiil waxaa uu ku laqmaday ( loo dilay ) cugashada calmashadii Luuleey oo ay isku uur ahaayeen Qaabiil waxaana la wariyaa Lula ama Lulu’a inay ahayd ruux dumara oo Eebe qurux ku gaadiid yeelay kuna marriinayd dheeh ilwaad goonniya xambaarsan.

Qaliima oo qudheeda aan ka yareysan Lula waxaa Qaabiil ka qarshay quruxdeeda waa Ibliis oo ku turaantureeyay qudh goyntii walaalkii, waxayna ku astaysan tahay mid ka mida shirqooladii uu Ibliis maleegay, waana tii Hooyo Cawa ( Xawa ) rumaysan wayday inuu qudh-baxay hanadkii ay dhashay sababtuna waa iyadoon horay loo maqal loona arag erayga ”Geeri”

Fiiro gaara:

Walaal-goo iyo Geeriyaad waa laba meelood oo ay siro badan ku duugan yihiin mudana in la geed qaado waxayna ku yaalaan Gobolka Awdal.

1)-Walaalgoo waa halkeey ka dhacday Qudh goyntii ugu horeysay Aadamaha.

2)-Geeriyaad waa ban cidla ah oo misna Geed gurata ah, meehanoow iyo weehaabid ka dib waa halkii lagu aasay Haabiil waana godkii ugu horeeyay ee lagu daguugay ruux ay iska dhaleen Hooyo iyo Aabo ‘Cawo iyo Adam’ ….

La soco qaybha xiga idam alle…….

Golaha Carro Edeg and Ayrotv and Ayrotv.com

- Advertisement -