Taariikhdu waa Dhaxal waana toro marqaati ah..
Ayrotv-Qulujeed Faraskii Rooble Afdeeb Waxa la odhan jiray Cawl-agoon, Fardo uu ku jiray faraskani waxa lagu furtay ama lagu qaniimaystay dagaal dhexmaray Gadsbuursiga iyo Absamaha, hilaadii 1810 ilaa 1820-kii. Wuxu ahaa Faras yar oo ka jimidh yar Fardaha kale oo xawaare sare ku duula oo halis ah, waana sababta Cawl loogu naanaysay.
Markii colkii Absame la jabiyay faraskani wuxu gacantiisa ku dhacay wiilkii ugu yaraa colka oo la odhan jiray Axmed Rooble Ruuge oo B.Cabdale ahaa.
Hogaamiyihii markii uu arkay faraskani inuuna caadi ahayn wuxu go’aansaday inuu la wareego. Rooble Afdeeb wuxu ahaa hogaamiye dhab ah reerka dhexdiisa humble ah cidda la is hayana ku daran.
Ma adeegsanin awoodiisii hogaamineed, wiilkiina yaraana uma arag askari yar oo ciidsnkiisa ka mid ah, ma odhanin kan ka deg oo fuul faraskayga, waayo wiilku wuxuba ku qanci lahaa inuu qaatay kii hogaamiyaha, balse hogaamiyuhu sidaa ma yeelin , wuxu sameeyay arrin hufnaan iyo kalsooni usoo jiiday. Wuxu u tegay odaygii wiilka dhalay Rooble ruuge. Wuxu u bandhigay rabitaankiisa faraska.
Wuxu gudoonsiiyay Konton sacaad iyo geenyadiisii Faqaaq .
Wakhtiga uu dhacay duullaankaa Absamaha lagu qaaday ee lagu jabiyay waxay si gaadmo ah duleedka Jigjiga ugu dileen labo wiil oo uu dhalay hogaamihii u qaabilsanaa aaggaa koonfurta oo la odhan jiray Geedi malable ( Makeyldheere). Labada wiil waxa la kala odhan jiray Damaleeye iyo Warfaa, markay dileena waxay mariyeen geeraar aan ka xasuusto
” Fariidkii Damaleeyiyo
Warfaa Haadku ma boobay
Oo Ma fadhiisinnay Geeddi”
Imika ma xasuusto balse dib baan kasoo xusi doonaa gabaygii laga tiriyay dagaalkaa lagu furtay Faraskii caanka ahaa ee Cawl-agoon.
Waa Duullaankii Taariikhda galay ee Ugaas Nuur ku xusay gabaygii uu ka tiriyay dagaalkii “Guntiweyne”
Waakii lahaa:
•Kablalaxu dhamaantii halkuu kabo la’aan yaacay.
• Iidoor Wuxuu kibir lahaa keenadaan galiyay
Dadkii caynkaa ahaa maanta haddii la gawr-gawraco iyo haddii la xidh-xidho, haddii la caayo, haddii la cunaqabteeyo dareen ma leh kamana digigixoodaan.
Dulucda taariikhdan.
Maalin ka mid ah maalmaha ayuu Faraskii Cawl-agoon ka maagay ama ka baqay hulo ama meel uu mari jirey.
Hadalkii hogaamiyaha kasoo baxay wuxu ahaa ” Ma Dhamuug buu kasoo cabay”
Xigasho: Jowhar Qalinle