Qalcaddii boqorad Kola
Richard Francis Burton (1856) waxa uu ku tilmaamay Abaasa in ay hoy u ahayd boqorad Kola, boqorad awood badan oo la dagaalantay magaalada ay deriska yihiin ee Awbube colaad qadiimi ahina ka dhaxaysay. Wuxuu ku qoray buugiisa First Footsteps in East Africa:
« Muddo saacad ah oo aanu soconnay ayaannu ku soo leexannay Abaas, oo waxaan galnay basin ku dhex yaal buuraha fogfog oo lix iyo toban mayl u jira Geedka Quduuska ah (geed dadkii waaga ay waynayn jireen). Magaaladan iyo deriskeeda Awbuube waxay u dagaalameen sidii bisadaha qaarkood ilaa ay labaduba is “cuneen”. Dadka Gadabuursigu waxay dhacdada ku beegeen xilligii awoowayaashood ay weli degganaayeen Bulaxaar ee xeebta – qiyaastii 300 oo sano ka hor. Burburka ayaa daadsan dhulka oo dhan, ceelasha si fiican u qodnaa waxaa ka buuxa qashin: qasriga ayaa la ii tilmaamay iyadoo gidaarkiisa dhagaxa ah iyo dhoobada ay isku xiran yihiin dhisme weyn oo saqaf la’aan ah oo ka kooban laba iyo toban tiir oo labajibbaaran oo dhagaxyo qallafsan, iyo Mihrab, waxaa lagu tilmaamay dhismo wareeg ah. Waa miskiid aan codka mu’adinka dib looga maqal. Goobtu waxa ay ahayd meel xabaal ka muuqato; dhererka burburku wuxuu ka badnaa mayl iyo badh oo dhammaan waxay ahaayeen burbur – burbur – burbur. »
Tixraaca Boqorada Kola, Galla ama gaal ee uu qoray Richard Francis Burton (1856), waxa ay tilmaamaysaa in ay ka talinaysay Abaasa xilligii Islaamka ka hor ee gobolka. Erayga Galla ama gaal waxa uu ahaa erey Soomaali ah oo tilmaamaya dadkii degganaa gobolka ka hor Islaamka, si aan loogu khaldin isla ereyga (Galla) oo ah erey bahdil ku ah Oromada. Iyadoo la tixgelinayo sifooyin Islaami ah oo cad oo ka dhisan magaalada iyo qalcadda ay ka buuxaan masaajido iyo macbadyo burburay, waxaa jira cadaymo muujinaya in boqoradda Kola ay sidoo kale ahaan lahayd boqorad waagii Islaamka.
Richard Francis Burton (1856) ayaa sidoo kale qeexaya markii uu booqday goobta dagaalku ku dhex maray reer Abaasa iyo reer Awbuube :
« Haddaba waxaan u sii gudbnay goobtii dagaalka, dhul ballaadhan oo ciid ah, oo ay ka muuqato qoobab baqlo iyo fardo: dhulkan, oo sida ay ii sheegeen hagayaashaydu, waagii hore ahaa dhul jilicsan oo soo jiidasho leh, ayuu ka dhacay dagaalkii waynaa ee Abaasa iyo Awbuube. Waa inta u dhaxaysa Awbuube iyo qalcadda Kola. »
Abaasa iyo qalcadda boqorada Kola waxaa soo booqday safarro badan oo reer Yurub ah, sahamiyayaal iyo cilmi-baarayaal qadiimiga ah. Waxaa ka mid ahaa Richard Francis Burton 1854-1855, Alexander T. Curle 1930-meeyadii, Neville Chittick 1978-kii iyo aqoonyahanno Faransiis ah François-Xavier Fauvelle-Aymar iyo Bernard Hirsch 2004.
Qabriyada Gadabuursi iyo hab dhaqanka aaska ee Abaasa
Richard Francis Burton (1856) waxa uu buuggiisa First Footsteps in East Africa si tafatiran ugu sharaxay qabrigii Gadabuursi ee soo jireenka ahaa ee Abaasa. Wuxuu yidhi :
“Sagaalkii subaxnimo ayaanu ka gudubnay Abaasa Yar oo ay ka kooban dhoobo adag oo ay ka buuxaan dhagaxyo waaweyn oo duuban ; waanu ka gudubnay oo aan qaadnay waddo qodax leh oo kor u kacday dhulka buuraha dhaadheer u dhexeeya, waxaana hareereeya dhagaxyo waaweyn iyo wax jaranjaro u eg. Halkan waxaa ka soo muuqday dhowr xabaal Gudabuursi ah, tuulmo dhagaxyo ah ama quruurux ah, oo ay ku wareegsan yihiin deyr qodax ah, ama xayndaab ka samaysan xayndaabyo dabacsan. Waxaa ka dhex dhisan guryo yaryar sida sida carruurtu u dhisto marka ay ciyaarayso, taas oo astaan u ah tirada dhismooyinka uu ka tagay marxuumku. Geedka dariska la ah xabaasha ayaa lagu tuuraa gogoshii marxuumka lagu keenay qabriga. waxaa ag yaal dhagxaan madmadow oo aaskiisa lagu kariyey.”
Richard Francis Burton (1856) wuxuu ku tilmaamay dooxada Abaasa inay ka mid tahay meelaha ugu quruxda badan ee uu arkay:
“Saddexdii iyo badhkii dib ayaan u raacnay jidka loo maro dooxada Abaaso, oo ah meeshii ugu quruxda badnayd ee aan weli aragno. Joogitaanka hadda ee bani-aadmiga, si kastaba ha ahaatee, waxaa noo tilmaamayay laamaha qodxan ta leh ee la jarjaray ee ka buuxa dooxada dhexdeeda; sidoo kale waxaan milicsanay raadka libaaxyo ay eryanayaan ugaarsatada, iyo xariijimaha abeesooyinka, oo mararka qaarkood dhexroorkoodu yahay shan inch.”
Reff. Prof. Rachid Hachi
Faafin Muliyo Centre