- Advertisement -
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan.
Deni oo khudbad ka jeediyay shir sanadeedka nabadda ee PDRC ayaa kor u sheegay in Puntland ay dood adag qabto oo ay rabto in lagu fallan-qeeyo meel fagaare ah, ayna garsoorayaal ka noqdaan dadka Soomaaliyeed.
- Advertisement -
“Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido,” ayuu yiri Saciid Deni.
- Advertisement -