Home Maxa Cusub Xisbiga Waddani oo Ku Baaqay in Somaliland La Difaaco Kadib Dagaalkii Qorilugud

Xisbiga Waddani oo Ku Baaqay in Somaliland La Difaaco Kadib Dagaalkii Qorilugud

4
0
- Advertisement -

Ayrotv.com- Sabti, Nov, 2, 2024- Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan millateriga Somaliland kadib dagaalo shalay iyo daraad ciidamada SSC Khaatumo ku dhexmaray aaga Qorilugud.

Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay xasarada kasoo cusboonaatay deegaanka, isaga oo sheegay in dadka rayidka ah ee deegaankaas lagu soo duulay.

- Advertisement -

“Waxaanu aad iyo aad uga xunahay dhacdada maanta ka dhacday deegaanka Qorilugud, ee lagu soo duulay dadka shicibka ah ee deegaankaas, duulimaadkaa aan sababaysnayn” ayuu yidhi Xirsi.

Colaada hada dib usoo cusboonaatay ayuu ku eedeeyay kooxo doonaya in la carqaladeeyo doorashooyinka soo socda ee Somaliland, isaga oo sheegay in la doonayo in wax loo dhimo nidaamka dimuquraadiyada.

Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay in uu ka qaybqaato difaaca Somaliland, isaga oo bulshada ugu baaqay in ay gacana isku difaacaan, gacanta kalena ku codeeyaan.

“Waxa muuqata in dagaal kaasi uu yahay mid qorshaysan oo la doonayo in lagu wiiqo qaranimada Somaliland, iyo hanaanka doorashada iyo ollolihii socday, waxaanu ugu baaqaynaa xisbiga Waddani in ay is barbar taagaan ciidamada qaranka” ayuu yidhi Xirsi.

SSC Khaatumo ayaa dhankeeda ku eedaysay Somaliland in ay masuul ka tahay xiisadan cusub, isla markaana ay rabto in ay qalalaase galiso guud ahaan gobolka.

Xigasho ( HOL )

- Advertisement -