Ayrotv.com- Khamiis, Nov, 21, 2024- Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu doortay Gudoonka Baarlamaanka Jubaland, waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Jubaland, xubno kamida Golaha Wasiirada, dhamaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Odayaasha Dhaqanka.
Ugu horeeyn waxa ay Musharixiinta u tartamaysay xilalka Gudoomiyaha iyo Kuxigeenadiisa labada ah ay Howlka kajeediyeen Khudbado qof walba uu ku soo bandhigayay waxa uu qabanayo kadibna waxaa laguda galay Doorashada.
Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Musharax Ismaaciil Cabdi Keerow, waxaana ugu dambeeyn guusha raacday Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Jubaland waxa uu helay codad gaaraya 65 cod halka musharixii la tartamayay Ismaciil Cabdi Keeroow uu helay 7 cod waxaana xumaaday 2 cod oo kaliya sida uu shaaciyay Gudoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Wakiilada Jubaland Sheekh Abdi Yuusuf Cali oo ku dhawaaqay nataajida kama dambaysta ah.
Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan sidaas waxa uu ku noqonayaa markii 3aad Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubalanad waxaana la sheegaa inuu yahay dadka sida weyn uga agdhow Madaxweynaha Jubalanad Axmed Madoobe.
Kadib Xildhibaanada waxa ay guda galeen Doorashada mudanayaasha u tartamaayay xilka Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad waxaana ku loolamay Xildhibaan Hiirad Ismaaciil Maxamed iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Axmed.
Xildhibaan Hiirad Ismaaciil Maxamed ayaa ku guuleystay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Jubaland, isagoo helay codad gaaraya 56 cod halka Xildhibaan Mahad Maxamed Axmed oo la tartamayay uu isna helay codad gaaraya 18 cod, mana jirin wax cod ah oo halaabay.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa durba guda galay Doorashada Musharixiinta u taagna xilka Gudoomiye Kuxigeenka labaad oo ay u tartameen labada xildhibaan ee kala ah Xildhibaan Cabdi Baaley Xuseen iyo Xildhibaan Cabdirashiid Cali Maxamuud.
Xildhibaan Cabdi Baaley Xuseen ayaa ku guuleystay doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Jubaland, isagoo helay codad gaaraya 51 cod, halka Xildhibaan Cabdirashiid Cali Maxamuud uu helay 22 cod.
Gudoomiyaha KMG ee Golaha Wakiilada Dowlada Jubaland ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad, waxaana uu u mahadceliyay Xildhibaanadii federaalka ee madasha joogay iyo laamaha amaanka ee maanta sugayay goobta doorashada.
Xigasho ( HOL )