Home Arimaha Bulshada Awdal 1884 (Saylac Qarnigii 19aad) Maqalo Taariikh:-

Awdal 1884 (Saylac Qarnigii 19aad) Maqalo Taariikh:-

0

Shirwac-Lagubaanay-Ayrotv.com- Waxan jecelahay inan halkan idinku soo bandhigo dhowr maqaal oo oo ku saabsan taariikhda Awdal ee qarnigii 19 aad, oo qeyb ka ah buug aan qoray labaatan sano ka hor oo ku beegan 1985 bugaas oo magaciisa yahay(Awdal 1884) .waxa ay qoraaladan soo koobayaan faragelintii dawladaha qarbigu ay ku sameeyeen dhulka soomalida guud ahaan iyo gaar ahaan sidii ay usameeyeen gobolka Awdal (Saylacl iyo Harar) oo ay wakhtigaas ay ka jirtay dawlado somaliyeed oo madax banaan iyo ilbaxnimo fac weyn .waxan aan ku eegi doonaa qoraaladan isbedelkaas oo keenay dib udhac dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha iyo dinaca arimaha bulshada intaba.

Faragelintii shisheeyaha.

Wixii ka horeeyey qarnigii sagaal iyo tobnaad aakhirkiisii waxa ka jiray gobolka Awdal iyo Harar maamulo maxali ah oo dad somaliyeed ee degaankaas dagani ay is maamulaan inkastoo guud ay dusha ka ilaalin jirtay dawladii cusmaanyinta ee turkigu gaar ahaan dhulka xeebaha ah .waxa ay dawladii cusmaaniinyiintu wakhtigaas ay toos u xukumeysay waddanada islaamka intooda badan ee ku yaalay bariga dhexe sida: Masar, Xijaas, Shaam ,Yaman iyo Suuriya oo ay wakiilo si toos ah umaamulaa u fadiyeen .Masar(Egypt) o ka mid aheyd wadamadii boqortooyada turkigu ay maamuli jirtay ayaa ka madax banaanatay ka dib markii uu Maxamed cali talada la wareegay .Waxa ay Masaaridu bilaabeen inay iyagu iskeed isku xukumaan kadibna maamulkoodii ay ku fidiyaan dalalka ku yaal xeebaha bada cas ee somalida iyo webiga niil.

Masaaridu iyagoo ujeedadaas fulinaya ayey sanadihi 1875 -85 ay si toos ah usoo farageliyeen maamulkii dhulka soomalida ee gobolada woqooyi (S/land iyo Harar) waxana maamulkoodii ay gaadhsiiyeen magaalooyinka Seylac,Harar ,Berbera ,iyo Buloxaar. Waxa kaloo ay Masaridu sahan udirieen dhinaca xeebaha Koonfurta Somaliya oo ay gaadheen dekadda Kismayo iyo webiga Jubba inkastoo aanay wax maamul ah ka sameynin.

Masaaridu waxay keeneen Wakiilo u xukuma magaalooyinka Seylac ,Harar,iyo Berbera iyo askar iyo shaqaale tiradoodu ay gaadheysay ilaa iyo toban kun.waxay masaaridu dhulkaas Somaliyeed ku sugnaayeen muddo toban sano ah (1875-1885).
Hadaba Masaridu iyagoo aan mashruucaas dhameystirin ayaa waxaa soo food saaray dhibaatooyin dhaqaale oo usaamixi wayey inay maamulkaas sii waddo .Dhibaatooyinkaas dhaqaale ee masar ka hor yimid waxa ugu miihiimsanaa dayen ay wadamada reer yurub ku yeesheen ka dib markii la dhisay Suweys canal o masaarida la deymiyey lacag badan oo ku baxday dhismahaas suweys canal.lacagtaas o ay deymiyeen shirkado Ingiriis iyo Faransiis ah.

Dhibaatooyinkaas dhaqaale awgeed ayaa Masaarida ku khasbay inay gacanta ugasho dawladihii reer yurub oo u tartamayeyey gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska .
Sanadkii 1882 ayaa ingiriisku iyo Masaaridu ku heshiiyeen in la ilaaliyo Masar lafteeda iyo dhamaan dhulki somalida ay masaaridu hore u xukumi jirtay ee geeska Afrika iyo Suudaan .

Waxa ay masaaridu maamulkoodii ay go,aan ku gaadheen in dhulkii xeebaha woqooyiga ee seylac iyo Berbera iyo Harar ay ka soo baxaan bisha May 1884.kadibna ay ku wareejiso ingiriiska.

Si is bedelkaas loogala tashada loona wargeliyo inay masaaridu dhulkii soomalida ee xeebaha badda cas iyo harar ay ka baxayso ayaa looogu yeedhay Ugaas Nuur Ugaas Rooble iyo wafti odayaal inay boqoshao ku yimaadaan Masar 1883.wafdigaas waxa martiqaad usoo diray Khadiif Ismaciil Bashe oo ahaa boqorkii masaarida. I.M.Lewis oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Wafdiga Ugas Nuur waxa soo dhaweeyey oo maamuumusay Khadiif Ismaciil baashe oo ahaa boqorkii Masaarida waxana uu gudoonsiiyey hadiyado badan oo ka mid ahaa hub iyo saanad.”

Khadiif Ismaciil waxa uu Ugaas Nuur iyo wafdigiisa uga waramay dhibaatooyinka dhaqaale ee Masar soo wajahay taasoo usaamixi weyday inay xukunkoodii ka sii wadaan dhulka soomalida.

Wafdigaas waxay dhulka masaarida joogeen muddo dhowr todobaad ah waxana ay booqdeen meelo badan oo taariikhi ah iyagoo u marti ahaa xukuumadda iyo boqorka, Wafdigaas waxa uu ka koobnaa afar oday:

1- Ugaas Nuur Ugaas Rooble.
2- Ugaas Cilmi Warfaa Ugaas Rooble(Cilmi Dhere)
3 Mudane Caamir Dhurwaa
4- Mudane Kulmiye Guuleed

Waxa kaloo masaariduu ay Ugaaska iyo wafdigaas ka codsadeen sidii ciidamada masarida ee Harar soo bixitaankooda min Harar ilaa Seylac ay gacan uga geysan lahaayeen nabadgelyadooda iyo sidii xukuumadda Harar dib loogu celin lahaa Amiir Cabdillahi Cabdi shakuur oo ah qoyskii talada ay kala wareegeen masaaridu toban sano ka hor oo ka soo jeeda reer Amiir Nuur oo talada ka dhaxlay Axmed Guray oo ka soo jeeda Beesha (Abrayn, Samaroon).

Kutubta la raad raacay(References):-

Awdal 1884 By Mohamed Dirane. Modern History of Somalia By I.M Lewis. Ifafaalaha Awdal(Awdal Phenomena) By Bashiir Goth. Islam Fii Sharqi Ifriiqiya By Mohamed Almuqtasim. Manaxe By Xaaji Cumar Kaahin(Dhiirane). Somali Penninsula by Somali Government. Wareysiyo Duqey Reer Awdal ah.

Xigasho Aqoonyahan Mohamed Osman dhiirane, Ottawa, Canada

Exit mobile version