Ayrotv-Wajaale-Bilowgii Octoober 1903, ayay boqortooyada Ingiriisku amar ku soo saartay in socdaalkayagan dhakhso loogu baxo dhinaca xuduudda Abaysiiniya ilaa laga gaadho Jufa-mici dheer, halkaas oo aniga iyo kooxdaba la rabay in aan kula kullanno caaqil ama hoggaamiye dhaqameed, ay qunsulliyaddii Saylac u xilsaartay in uu na soo mariyo dhulka gadabuursiga oo gadhwadeenna noo noqdo. Meeshan oo ku taalla xuduudda u dhexaysa maamullada Ingiriiska iyo Abaysiiniya, qayb ahaanna ka tirsanayd dhulka loo aqoonsan yahay in Abaysiiniya xukunto. Baaq ugaaska naga soo gaadhay oo ahaa in uu soo dhaweynaayo wada hadal, ayaa keenay dareemmo isku dhafan, maxaa yeellay waxa jirtay munaasabad hore oo uu si hagar la’aan ah ugu soo dhaweeyay sahan reer yurub ah, hase yeeshee ku gabagabootay hagardaamooyin dhawr ah.
Waxa xog ahaan la noogu sii sheegay in aaanu Ugaasku jeclayn ferenjiga [Ninka cad], sidaas awgeedna waxaan door bidnay inaan iska horreysiinno nin horbaxanyo ah oo la soo xaajooda ugaaskiisa, dabadeedna ka keeno warbixin lagu aammini karo arrintan, waayo waxa noo muuqatay in aan ciidankayagan tirada yari ahayn mid laysku halleyn Karo.
Si dareenkiisa daacadnimo uu noogu muujiyo, ugaasku wuxu soo diray ina-adeerkii si uu gadhwadeen noogu noqdo. Ninkan gadhwadeenka ahaa oo uu la socdo nin kale oo ahaa askari deegaanka ah, kana tirsanaa ciiddanka rakuubka [camel corps] oo Saylac laga soo diray, ayaa noogu wada yimaadeen kaamkii aan degganayn.
Jufa-mici dheer, oo ah buur salaxyo dhagax cas waaweyn leh, oo astaan u ah kala rogga dhirta iyo xooggaga ku gadaaman ee ay ka muuqdaan degello ay ka dhisan yihiin aqal somaliyo sheedda la moodo diiman rarambadha ama gunduda. Duleeddada degelladaa waxa hoganaayay kedimo geellal ah oo ay xerinayeen wiilal ayni iyo ilwaad qurxoon [fine-looking men], iyo adhyo [Ido iyo riyo] tira badan oo ay la joogeen/eegayeen haween ay ka muuqato saameynta cimilo-gooreedu [weather- beaten women]. Subaxnimadii labaad ee safarkayaga, waxan dhex jibaaxnay abqadda geed qodaxeedka dabooshay babacyada biyo-shubka buurta Jufa-mici-dheer. Sidaan wadiiqadayadii kolba dhinac ula leex-leexanaynay keynta dhexdeeda, waxaaban gaadhnay goobtii kaamka loo asteeyey, halkaas oo Annaga iyo Abaysiiniya noo noqotay xuduud. Dhagaxa weyn ee miciga ah, kana taagan figta buurta, korna uga mudhsan ilaa 200 oo fuudh.ayaa loogu magac daray buurta [jufa –mici-dheer].
Markii noogu horreysay bildhaanta buurta Jufa-micidheer, waxan ka soo gudbaynay banka marareed. Baaxaadagga hirarka xarfada isjartay ee tan iyo haydh-haydh aad moodaysay inay soo afjartay hummaagga fongoraha leh ee buurta oo noogu muuqatay sidii wax ay buurtu dhex dekaynayso widhwidhka dhallaan-hababista bixinaysa midabyo iskugu jira casuus, casaan, caddaan iwm.
Araddada bannaan oo dhan waxad kula kulmaysay raxamo biciid, cawl iyo deerooyin ah, oo ugaadhsi aad ugu haboon. Run ahaanttii waxan goobtan u arkay inay ka mid tahay meelaha ugu hodansan ugaadhsiga adduunka; balse waxa aan daah saarnayn, oo markiiba aan diirradda saaray in meeshani aanay barwaaqadan sii ahaan doonin, oo aanay ugaadhsatadu nimcadaa ku sii jiri doonin.
Haddeerto waxan soo galnay dhulka gadabursiga, waxanan soo dhaafnay dhawr beelood oo bulshooyin gadabursi ahi degan yihiin. Dhammaantoodna waxa ku deyrnaa ama ku wareegsanaa dhacammo xoog leh oo lagu ooday tisas tincad ah, oo ahaa Gabbaadyada dagaalyahannada gadabuursiga (halkaas oo dagaalyahannadu foodda ku qaban jireen colaadaha), .Sawirrada waxa ka muuqda dadkii deegaanka ee gadabuursiga ahaa oo ku soo qulqulaya goobtii aan ku ballansanayn. Waxay dhammaantood xidhnaayeen dhar cadcad, waxayna u muuqatay in ay u soo wada labisteen munaasibaddani. Mid kastaa wuxu sitay gaashaan iyo seddex ama afar waran oo haadhaaya, lagana yaxyaxayo muuqaalkooda. Anigoo isla maqan oo aan la shawakhsanaa sawirro aan qaadayey ayuun baan ku soo baraarugay xeradii oo aan gaadhnay, waaba awrtii oo rarkii durba laga furay,wiilal firfircoonina kashaqaynayaan, oo uu hoggaaminaayo Jaamac siciid, gadhwadeenkayagii qaaliga ahaa, oo xeradii kaamka oodaayo, teendhooyinkiina dhidibbada u taagaya.
Fogaan ku siman ilaa nus-mayl dhinac kasta, oo nagu xeeran, geed walba waxa hoos jiifay ama fadhiyay kooxo dadka deegaanka ah, oo laf ahaantoodu ka hadhgalay kulka iyo shaamareerka qorraxda duhurnimo ee duljoogta. Iyadoo wax yari ka hadheen dhammaystirkii kaamka ayuu noo yimid Jaamac Siciid oo nagu wargeliyey in caaqilkii yimid. Caaqilku wuxu u labisnaa si heer sare ah oo qurux badan. Maradiisa, oo ahayd dharka kaliya ee badanaaba ay dadka degaanku korka ka xidhaan, ayaa ahayd mid ballaadhan oo lagu daruuray diillimo casaan ah, kaas oo loo yaqaannay “Heili” oo ka yimid eryga ingiriisiga “highland” oo dhalan rogmay, Maradani ayaa inta korka oo dhan lagu soo wareejay cidhifkiisana si jiilan looga riday garabka bidix.Waxa dhexda ugu xidhnayd kiishad shaash leh iyo bullaawe Turki ah oo lagu bilay macdanta lacagta
.
Lasoco Qaybta Labaad,,,,,,,
Waxaa tarjumay Aqoonyahan Mohamed Osman Dhirane, Ottawa Canada