
Dekedda Berbera oo isku xirta Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya: Maxay uga dhigan tahay in DP World ay 400 milyan ku maalgeliso?
DP World CEO: Sultan Ahmed Bin Suleyman—”Daraasad aan sameynay ayaa muujisay in Itoobiya ay samaysay koror weyn oo dhanka GDP-ga iyo tirada dadka ah, taasoo muujineysa baahida ay u qabto ugu yaraan shan dekadood. Dekedda Berbera waxaan u dooranay sababtoo ah goobta ay ku taallo iyo taariikhdeeda qadiimiga ah oo dib u dayactir u baahnayd. Somaliland ayaa nagu dhiirrigelisay maalgashiga, annaguna waan maalgelinay.
Somaliland maaha dal yar, waxay leedahay ganacsato waaweyn, waxaana ku guda jirnaa horumarinta corridor-ka ganacsi ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland. Waxaan rajaynaynaa in heshiiska “Transit and Trade Agreement” ee labada dal si degdeg ah loo hirgeliyo.
Somaliland waxay aad ugu dhowdahay xarunta weyn ee Dire Dawa, oo ah goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah qaybinta badeecadaha. Xiriirka labada dal waa mid xooggan, waxaana Itoobiya si niyad-sami leh u eegaysaa Somaliland. Annaguna fursad weyn ayaan ka aragnay dekedda, waxaana durba billownay horumarinteeda, taasoo keentay in shixnadaha ganacsi ay si joogto ah u yimaadaan.
Dekeddu waxay awood u leedahay inay martigeliso maraakiib nooc kasta leh, sidoo kalena, haddii loo baahdo, waan ballaarin karnaa. Madaxweynaha Somaliland wuxuu na siiyay dhul aan warshado uga hirgelinno, waxaana hadda socda dhismihii qaar ka mid ah warshadahaas, halka kuwo kalena la qorsheynayo.
Dekedda Berbera waxay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo aad ugu dhow Hindiya, Bariga Fog, iyo Kanaalka Suweys, taasoo ka dhigaysa marin muhiim ah oo xuddun u noqon kara ganacsiga caalamiga ah.”