Home AyroTube Hadmeey dowlada Kenya garowsan xasuuqyadii ay u gaysatay Soomaalida NFD.

Hadmeey dowlada Kenya garowsan xasuuqyadii ay u gaysatay Soomaalida NFD.

0

Bisha Febraayo Soomaalida Kenya waxay uga dhigan tahay bil la xasuusto dadkii ay dowladdii Madaxweynihii hore Daniel Arap Moi ay xasuuqday shacab badan oo birmageeddo ah.

Xasuuqyadaas ayaa dhacay sanadihii 1980 ismaamulka Mandheera oo tuulada xuduudka Ethiopia ku taalla ee Malka Mari lagu xasuuqay dad xoolo dhaqato oo gaaraya 2 kun.

1984 oo dad aan wax galabsan Buula Karatasi ismaamulka Gaarisa.

Sidoo kale 1984 10 Feb waxaa dhacay xasuuqii ugu weynaa ee Wagalla oo dad masaakiin ah si aan kala sooc laheyn inta garoon lagu aruuriyey rasaas lagu furay waxay ka dhacday Wajeer 5kun oo qof baa halkaas lagu xasuuqay, waxaa kaloo xusid mudan xasuuqii Isiolo ee 1967 lagu laayay odeyaasha dhaqanka Soomaalida.

Dadka xasuuqyadaas ku dhintay ayaa lagu qiyaasa 15 kun waa tiro aad u badan marka loo eego tirada dadka ee xilligaas.

System kaas xasuuqyadaas geestay ayaa soo gebegeboobay 2010 markii dastuurka la bedelay isla markana dalka Kenya laga dhigay County system ama waxa loo yaqaano “Devolution” nidaam daadejinta iyo awoodda oo dowladda dhexe lala qeybsado, 2025 Soomaalida Kenya meel fiican ayay joogta waxaa markii ugu horeysey laga dul qaaday nidaamkii haybsooca aha ee Vetting Ruto oo isagu ku qolo ah ninkii gaystay xasuuqyadas badankooda ayaa u muuqda inuu garowsaday dhibaatada lagu hayay bulshooyinka Waqooyiga Kenya gaar ahaan Soomaalida.

Ilaa hadda qaar baa jira Kenyan ah oo u doodaya in aan Soomaalida laga qaadin system ka vetting oo ah in baaritaan dheeri ah la mariyo qofka Soomaali ah ee ka soo jeeda Waqooyiga Kenya marka loo jaraayo aqoonsiga dalka iwm.

Qabaailada diiddan waxaa kamid Kikuyu oo ah qabiil ay Soomaalida tartan dhanka dhaqaalaha kala dhaxeeyo marka la joogo gudaha Kenya iyadoo ganacsatadooda ay suuqa ka saaren kuwa Soomaalida.

Reff: Mr Kalale

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version