Home Arimaha Bulshada Ibtillooyinka ( Mucjiso ) Mujaahidiinta Part 2

Ibtillooyinka ( Mucjiso ) Mujaahidiinta Part 2

0

Ayrotv-Djibouti- Waa Qoraal Kuu Iftiiminaya Sida ay Ummada Soomaaliyeed u Lahayd Cadow Kaliya 10kii Qarni ee Ina Weydaartay Maantase???

Casharkeenii hore waxaa uu inoo joogay Imaamkii oo Qabaa’iladii soomaalida ku amray inay dagaalka ka galaan dhanka bidixda. Qolo walbana taliyahoohii ayaa hor socday’ Imaam Aaxmed – illaaha weyni ha’unaxariistee- badhtanka ayuu ku jiray isaga ooy hareero joogeen Geesiyaashii Fardoolayda ahaa oo aad Mooddo Libaaxyo Gurrxamaya. Madaxdoodana ay ka mid ahayeen ”Aamiir Xuseen Aabuu-Bakar oo Gaaturi ahaa, Amiir Saxarbaawi Maxamed, Farshaxan Cali, Wasiir Nuur Ibraahim, Amiir Mujaahid, Farshaxan Suldaan, C/Naasir Sheeq Daawe, Amiir Abuubakar Qadiin, iyo Farshaxan Diin ( AU ) ” Iimaamkii baa kolkaa Muslimiintii Ku Yidhi:

@ Wixii uu Nabiga ku yidhi Asxaabtiisa, ( NNKH ) Aayaan Aniguna idiin leeyahay’ Ukaca Janno Ballaadhkeegu Yahay Ka

Samooyinka iyo Dhulka oo Loo Diyaariyay Dadka Alle Ka Baqa Kuwaas oo Rumeeyay Illaahay iyo Rusushiisa’ Kaasi

Waa Dheeraad iyo Fadli uu Illaahay Siiyo Ciddii uu Doono’ Illaahay Fadli Weyn Aaa U Sugnaaday <

Raggaa Waxaa kale oo Ka Mid ahaa ” Garaad Axmadoosh Maxfuud oo Iimaamka Seeddigii ahaa oo uu Iimaamku Qabay Walaashii ( Dilwaanbara Maxfuud ) Awrici Axmed Diin Khaalid, Garaad Shamcoon, Bishaaro, Sabru-diin, Jasaa Cumar, Garaad Axmooshe, Awrici Aboon, Garaad Cismaan Jowhar, Axmed Goyta, Burhaan, Garaad Sadiiq, Del Seged, iyo Kuwa Kale (AU

Intaa Kadib Iimaam Axmed Raggii Geesiyada ahaa ee Adkaysiga Badnaa Ayuu Soo uruursaday.kuwaasi oo kala Qayb galay Goobo badan Duulaamo Badan iyo Dagaalo Badan Raggaasi Shanboqol oo Geesiyaal ah Bay ahaayeen oo aan marna iimaamka ka ag tagain Hala Deganaado Ama Geedi Hala ahaadee, Fardaha hortoodii ayuu iimaamku Joojay’ Iyaga iyo Horjooga-yyaashoodii oo ay Ka Mid ahaayeen ” Xamse Al-Jowfi” oo maalintaa shahiiday AU’ Hormuudkii Ragga ee Faraj Sabbara, Jooxo, Arcadawa, Nabi Axmed, Xuseen Dawaara, Takiye, Xadiid Khurojo, iyo intii Raacsanayd, Tirada Ciidanka Fardooleyda ahi Maalinkaa ( Shan Boqol Iyo Lixdan Bay Ahayd ) Ciidanka Lugtuna ( Laba iyo Toban Kun Buu Ahaa ) Weriyihii Allaha Weyni Ha’unaxariistee waxaa uu yidhi’ Dhanka Bidixda Reeraha Soomaaliyeed ee Ka Dagaallamayay waxaa ka mid ahaa ” Harti oo Reer Maydh” ahaa. waa Niman ad-adag oo Ragga Tilmaaman ahaa Tiradooduna ”Seddex Boqol” Ayay Ahayd oo Seefaha si wanaagsan ugu Dagaallami Jiray. waxaa iyaguna ka mid ahaa Qabiilka ” Yabarre ” oo uu Ciidankoodu Lugtu Ahaa ” Afar Boqol” oo iyaguna ahaa Rag Qaansada iyo Falaadhaha si wanaagsan ugu Dagaallama. Kolkaas ayuu Iimaankii ku Daray Shantii Boqol ee Badhtanka ka Dagaal Galaysay kuna yidhi:

>> Halkiina Ku Ekaada Waa Inaanu Mid Idiinka Mid Ahi Meesha Ka Dhaqaaqin <<

Qabiilka Garigu waxa ay ku caanbaxeen oo lagu yaqaanay Farda-Fuulka” iimaamku ciidankii buu isku duba-riday oouu safaf ujoojiyay. Muslimiintiina Salaatul-Khowf labo-labo Ragcadood ayuu tujiyay.Dhibta dhacday awgeed. Caalimkii weynaa ee ” Fiqi Cabdilaahi” maalitaa Baqashiisii buu ka soo Degay.

Gaashaankiisii iyo Seeftiisii Buu Qaatay oo illaahay buu Xoog u baryay Waxaa uu ahaa Nin Suufi ah, Saahid ah, Xalaal-Miirad ah oo Alle-Caabid Caalim ahaa, Xamse oo Reer Jowf ah miyaa’ markuu Gaaladii sidaa u eegay ayuu is hayn kari Waayay illaa ay soo Qabteen Labo Nin oo Muslimiinta ahi isaga ood mooddo Awr Qooqan oo Doobta Ridaya, Xiisaha uu u Qabo jihaadka awgii iyo raali galinta Illaahay.Raggii kale ee Hartiga ka socday iyaguna sidaas ayay ahaayeen Muslimiinta ayaa Qaqabanayay oo ku lahaa:

>> War Ukaadiya Intay Gaaladu Innoo Soo Dhowaanayaan << :

Wariyihii Allaha weyni Ha’inaxariistee- Waxaa uu Yidhi” hadaanu Dhankii Gaalada u noqonno kolkay ciidankoodii habeeyeen ayay xagii Muslimiinta u soo Gur-Guurteen iyaga oo ah Todoba saf. Boqorkoogii ”Wanaag Segad” ayaa dhanka dambe ka joogay isaga oo ay hareeraha ka taagnaayeen ”Afar Boqol oo xagga Midigta ah iyo Afar Boqol oo Dhanka Bidixda ah’

Maalinkaa dhammaantood ba ciidankiisii ayuu ku kala daray waxaa uu soo saaray wixii uu Khasnado hayay iyo Qalab Dagaal sida ‘Daruucdii Daa’uudiga’ ahayd iyo Koofiyadihii ‘Saabuuriga’ ahaa ‘Seefihii’ Masar iyo ‘Warmihii’ Khadiya laga keenay oo Badriiqyadiisii iyo Askartiisa ayuu u Qaybiyay. Fardahooga lama tirin karayn kolkaas ayaa la’isku soo dhawaaday. Safka kaliya ee Gaalada Shan saf oo Muslimiinta ah ayuu u dhigmayay Bar yar oo Cad oo ku Taalla Harag Dibi Madaw ayay Muslimiintu Ku Noqdeen, Kolkaas ayuu iimaamku Muslimiinta ku yidhi:

” Xuska Allaha Weyn Afka kU Haya oo Dhankooga Ha’eegina ee Dhulka Eega.Ilaahay Cuskada oo Adkaysta.

Ebbana Wuu Idiinla Jiraa War Isku Hiiliya Illaahayna Wuu Idiin Hiilin oo Wuu Idiin Gar-Gaariye ”

Kolkay Gaaladii Muslimiinta ku soo Dhawaadeen Daruur Hadhaynaysay ayaa Dul Taagnayd. Muslimiintana Bacadkii Kululaa Ayay Joogeen Iimaam Axmed ayaa Alle Baryay oo Duceeyay

” Illaaha Jira ee Joogoow. Illaaha Abuuray Cirka iyo Dhulkoow Illaaha Weynidda iyo Karaamaduba u Sugnaadeenoow.

Kuwaasi Waa Cadawgaagii iyo Cadawgii Rusushaada. Illaahow Risiqaagay Cunaan Cid Aan Adiga Ahayna Waay Caabudaan.

Kolkaasaad Illaahow U Hadhaysay Annagoo Muslimiintii Ahina Bacadkii Baanu Taaganahay”

Wariyihii -Allha weyni ha’unaxariistee- waxaa uu yidhi’ isla kolkii uu hadalkiisii iimaamkii Dhameeyay ee uu Duceeyay ayuun bay Daruurtii Dhinicii Gaalada ka Soo Wareegtay oo ay isa Soo Dultaagtay Muslimiintii Si ay U Dallaalimayso. Intaas ka dib ayaa Boqorkii Xabashida iyo Qoladiisii ba Dhankii Muslimiinta Soo Eeegeen iyo siday isku Habaynayeen. Daruurtu way Hadhaynaysay iyaga oo Safafkoogiina ay isku Dhegsanaayeen Warmahoogiina ay kor uwada Taagan yihiin taas oo Gaaladii Galisay Baqe iyo Argagac. ”Fiqi Abuubakar Arshoone” ayaa Kacay oo Calankii Iimaamka Khudbad La’ag Joogsaday. waxaa uu Muslimiinta ku Guubaabiyay Dagaalka Khudbadii buu Sii Waday illaa uu Dadka Quluubtoodii Taabatay oo ayna Indhihiina Ilmeeyeen Wuxuuna intaa kadib Yidhi;

” Ururka Islaamkoow Jannadii Waa La Bilay, Albaabadii Naartana Waa La Xidhay Malaa’igtiina

Way Soo Daadegtay. Xuural Cayntiina Waa La Ma-riimay Ku Bishaareysta Nolol Waarta ”

La Socda Qaybaha Xigga,,,

Isha: Fatuxul Xabash

W: Qoray: Faisal A Abdi ( Abroone )

Exit mobile version