Home Arimaha Bulshada Labo Dabrran Iyo Labo Darban – By Suxufi Abroone

Labo Dabrran Iyo Labo Darban – By Suxufi Abroone

0

Ayrotv.com-Lafta Boqorka Bulsho waxa ay Hormartaa marka ay ku Sifoowdo Dareen Wadaninimo iyo Lexejeclo ay Kaqabto Wadankeeda kaas oo Keenaya in ay Marnaba Bulshadaasi u Ogalaan Wadanka  ama Deegaanka ay ku Nooshahay Hagardaama, Dibindaabyo iyo wax kasta oo Dhib ku keeni kara Aayaha Bulshada.

Bulsho kasta oo Horumar Lagu Tilmaamaa Astaantan ayay Weheshataa Laakiin Marka uu Dhinto Dareenka Wadanimadu Qafkasta oo Bulshada ka mid ihi waxa uu isku Dayaa in Dantiisa Gaadhka ah ka Hormariyo Danta guud ee ka Dhaxaysa Bulshada Deegaankaa ku wada Dhaqan. Taasina waxaa ay Horseedaa Burbur, Halaag iyo kala jab aan loo Xalhelin. Dadka Caynkaa ah waxa Tusaale Wacan u ah Shaqsiyaadka Tirada Yar Ee u Adeega Maamulka W/Galbeed Sheegtana Inay Matalayaan Ummada Ku Dhaqan Awdal State’  Taas oo uu ka Dhintay Dareenkiii Wadanimo, Hamigoodana  uu Noqday Qawlasato, Danaystayaal, iyo Dhuuniqaatayaal ku fikira kaliya sida ay Jeebkooda u Buuxsan lahaayeen, Waxay Noqdeen sidii Gofanaha Xoolaha Dhiiga ka Jaqa ilaa Inta uu ka Dhacayo Neefka:

Fashilka & Asbaabtiisa- Iyo Sifaha Kuwa Ina Hortaagan 20 Sano-

Ilaahay Kor Ahaaye Wuxuu Nolashan Ka Dhigay Mid u Yaalo Loolan iyo Siraacaad u Badan Foof Kaga Imanayo Meelo Kala Duwan’ Si Toosna u Saamaynayo Himilooyinka & Mashaariicda uu ku Taamayo Ruux Waliba oo Ku Nool Dunidan Guudkeeda. Hadaba, Waxaa Jira Dad Badan oo Himiladdooda u Mara Inay ku Xaqiijiyaan Si Jamaaci ah ( Wadajir & Iskaashi ) Fakradahaasi Ha Ahaato Kuwa Dacwiya oo Ku Wajahan Bulshada Ama Kuwa Qayri ah Sida Ururrada Samafalka iwm. Kolkaa Waxaa Marag Madoonta ah In Dadkaasi ay Soo Wajahaan Arrimo Badan oo Sababa Inay ku Fashilaan Muraadkoodii & Inay Gaadhaan Himilooyinkooda Wacan.

“Gobonimo Waxaan Haybinaaba Waala Soo Helaye Ha’yeeshee Sidii Loo Hantaa Hadal Ka Joogaa.”

Markaad u Fiirsato Hawlgaladii Dumay Ama Taariihkda Ku Yeeshay Baalasha Madow Waxaad Arkaysaa Inay Isku Dhaw-Dhaw’yihiin Arrimihii  Aasaaska u Noqday In Lagu Daro Diiwaanka Qaa’imiinta iyo Kuwa Ku Fashilmay Wixii ay Ummada u Igmatay’ Taa Micnaheedu Ma’ahan In Guul-Daradu Tahay Miino ( Khaldaa Ma Saxo ) oo Hadii aad Mar Fashilanto Dib Inaadan Wax u Sixi Karin Balse In Badan Waxaa uu Ku Dhaxalsiiyaa Khibrad & Waayo Aragnimo Kuugu Xambaadha Inaad Markale Hesho Halkay Sartu ka Qudhunsantahay’ Cagtana Aad Lahesho Toobiyaha iyo Tubta Toosan.

Aqristow Waxaan Qoraalkeena Maant uga Danleenahay Bal Inaanu Wax Ka Iftiimino Asbaabaha Keena Inay Fashilmaan Hawlgaladda Ha Ahaadaan Kuwa Samafal, Siyaasadeed, Dhaqan iyo Dhaqaale, Hormuud iyo Wacyigalinta Bulshada oo Lagu Baraarujiyo Danahooda, Hadaba Magac-uyaaladda  Fashilka Waxaanu Ka Tilmaami Karaynaa Kuwaani Soo Socda-

1.  Aqoon Daro: Aqoontu waa Furaha guusha, waana ta keenta in la soo hooyo Guulo waaweyn oo lagu naalaado. Waa geedka ay Ummaduhu Beertaan si Midhihiisa waligood u goostaan, Hadba heerka aqooneed ee Ummadi leedahay waxa uu ka Turjumayaa hadba Sida uu Mustaqbalkeedu u Eekaan Doono. Hadaba hadaan La Yeelan Aqoontii loo Baahnaa ee Lagu Hogaamin lahaa Maamul ama Hay,ada waxaa Hubaala inuu soo Degdegayo Fashil & Burbur Baaxad leh oo aan la hor Istaagi karin.

Hadaba si fashil looga baadbaado waa in kor loo qaado Heerka Aqooneed ee ay leeyihiin Hawl Wadayaasha Ummada:

2.  Khibrad Daro: khibradu Qiimo aad u weyn bay ku Fadhidaa marka laga Hadlayo in Isbadel la Sameeyo ama in Qof Shaqo loo Diro, Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in qof lagu xusho khibradiisa isaga oo aan markaa la eegin inuu shahaado wato & in kale. Hadaba haday dhacdo in dadka shaqada wadaa aanay lahayn wax Khibrada waxaa Hubaala in Dhibta ay keenayaan ka badanayso Dheeftoodo. Sidaa daraadeed waa in qiimo weyn la siiyaa khibrada iyo waayo aragnimada uu leeyahay qofka hawsha loo Dirayaa:

3.  Shaqsi aan Munaasib ahayn: Marar badan waxaa dhacda in hawsha uu Hogaanka u Qabto Qofkii aan Munaasibka ahayn ama aan ku Haboonayn taasi oo keenta Guuldarooyin waaweyn. Waxaad suuraysataa qof aan Lahayn Hiirad ( Himilo ) Karti oyo Xigmad Hogaamineed Ruuxaasoo ku Nool Hafadhyo iyo Bahdilaad Kaga Timaada Mushtamaca uu La’noolyahay Sidaa daraadeed waa in Hawshaa loo Diraa qofka ku Haboon ee la Filayo inuu Horumar Gaadhsiin karo:

4.  Danaystayaal: Waxaa jira Dad Badan oo iyagu Dhex Muquura Hawsha la Wado, Meeshana u jooga sidii ay u Fushan lahaayeen Dano Iyaga u Gaara, Danna aan ka lahayn in Hawshu Guulaysto iyo inay Dunto Toona.Kuwaasi waa khataraha ugu waaweyn ee soo food saara Mu’asasaatka marar badana ay adkaato in la garto ama la fahmo.Si kuwaa looga baadbaado waa in Daacadnimada  qiimo weyn la siiyaa Laguna Qiimeeyo qofka hadba inta Daacadnimadiisu le’eg Tahay oo aan lagu Kadsoomin Or-oradka iyo Xiiqsanaanta badan ee ka Muuqata Danaystaha. Ilaah baa Og qofka Mukhliska ah iyo ka kale laakiin waxaa jira calaamaad badan oo ka soo daahira Dadka Daacada ah:

Intaa Ka Gadaal Aqristow Waxaanu Hoosta Ku Soo Bandhigaynaa 2 Dabran & 2 Darban

1.  Labada Darban Waxay Kala Yihiin Odayaasha iyo Siyaasiyiinta.

A.  Odayaasha: Xaqiiqda Dhabta ah ee Ka Jirta Deegaanadda Reer Awdal State Ayaa Waxay Tahay Inay Jiraan Heshiisyo Qarsoodi ah oo Ay Wadda Galeen Odayaasha Deegaanka iyo Maamulka Beesha Dhexe Ku Waasi oo  Aad Siweyn uga Dheehan Karayso Habdhaqanka Odayadda La’shaqaysta Maamulka Cunsuriga ah ee Ka Jira Hargaysa iyo Nawaaxigeeda, Sida ay Ku Soo Waramayaan Ilo Wareedyo Looqaateen ah ayaa Badi Odayadda Koofiyad Baclayaasha ay Ku Mushaar Qaataan Cabudhinta Shacabka Reer Awdal State iyo Sidii Loo Marin Habaabin Lahaa Ujeedada Dhabta ah ee Ka Taagan Dhulweynaha Awdal State Waxaana Dhawaan La’soo Bandhigi Doonaa Magacdda Odayadaasi oo Saddexan iyo Halka Ay Ku Sugan Yihiin iyo Xilalka ay Ku Magacaaban Yihiin Iinsha Allaah:

B.  Siyaasiyiinta: Awr-kiraalayaasha Ku Shaqaysta Magaca Siyaasiyiinta Awdal State Ayaa Iyaguna Ah Kuwa Siwayn Uga Qaybqaata Qorshayaasha Ku Wajahan Dilalka Muwaadiniinta, Barakicinta Aan Dhamaadka Lahayn, iyo Uquus Goynta Dhalinta iyo Haweenka Qoomiyadda Gadabuursi’ Waana Awaamiir Ku Qotonta Dhagar iyo Boholo Loo Maleegayo Ummadeena Baraarugsan, Docda Kale Mashruucyadaan ayaa ah Kuwa Goor Waliba iyo Maamul Waliba oo Yimaado Dib u Habayn iyo Cusboonaysiin Ku Sameeyo Hawlgaladda Lagu Fulinayo Ummada Reer Awdal State, Sidoo Kale Dhawaan Ayaanu Soo Bandhigi Doonaa Magacda Siyaasiyiinta Heshiisyadaan Wax Ka Saxiixay Iinsha Allaah:

2: Labada Dabran Waa Dhalinyaradda iyo Haweenka Reer Awdal State.

Faahfaahin Dheeri ah Uma Baahna Hadimooyinka iyo Jalaafooyinka Taariikheed ee Loo Maleegay Haweenka iyo Dhalinyaradda Awdal State Balse Howraarta Maanta Ayaa Waxaa Astaan u ah in Dhalinta iyo Haweenka Reer Awdal State ay Buddhig u Yihiin Aasaaska iyo Jiritaanka Maamulka Xalaasha ah ee Awdal State of Somalia. Waxaan Qormadeena Ku Soo Afmeeraynaa Shirkii Maalmo Ka Hor Lagu Soo Gaba Gabeeyay Magaalada Borama Tawn ee Lagu Sheegay Inay Isugu Yimaadeen Aqoonyahanka, Culimadda iyo Siyaasiyiinta Kasoo Wada Jeeda Deegaanada Awdal State Kaasoo Aanu Wada Ognahay Inay Fikradiisa iyo Dhaqaalihii Ku Baxayba ay Maamulka Hargaysa Bixisay Waxaana Uga Ma’suul Ahaa Mr Cukuse, Ujeeddada Ugu Weyna Waa Sidii Loo Marin Habaabin Lahaa Dhibaatooyinka Lagu Hayo Shacabka Reer Awdal State, Sidaan Horay U soo Sheegnayna Waxaa Heshiisyadaan Kuwada Jira Odayada, Siyaasiyiinta Goboladda Awdal State iyo Maamulka Hargaysa-Hadaba Waakan Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Lagu Shirqoolayay Shacabkeena:

Shirweynihii Todobaaadkii hore ay isugu yimaaddeen Aqoonyahanada, Waxgaradka iyo Culimada Diinta ee G/Awdal/Selel & Gabilay,Ayaa Maanta loo Ballansanaa in lasoo saaro go’aamadii kama dambaysta ah ee lagusoo gunaanadayey Boorama.

Shiweynahan oo ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahanada wax ka dhiga jaamacadda Cammuud ,Ayna kasoo Qaybgaleen Qaybaha kala Duwan ee Dadweynaha laguna soo Xulay Aqoontooda Diinta ,Dhaqanka, Cilmiga iyo Waayo Aragnimada Dhinaca Horumarinta ayaa Maanta ku Dhawaaqay Go’aanadii Shirweynahaasi.

Kulankan Maanta Lagusoo Gunaanadayey Shirweynahaasi Hore Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Gobolka Awdal iyo kuwa Maamulka Hargaysa oo ay ka kala Socdeen Maayorka Magaalada iyo Afhayeenka Madaxtooyada M-Hargaysa Maxamed Daahir Cakuse oo Aan Hore Loosii Sheegin Imaatinkiisa Boorama? ‘Weedhan Dambe Waa Mid Xaqiiqda Ka Fog Waayo Waxaa Shirkaan Maal Galiyay Maamulka Ku Bahoobay Xumaha iyo Xiqdiga Shacabka Reer Awdal State ( Somali-land ) Waxaana Daliil u Ah Afartan Qodob ee Hoose’ Taasoo Buddhig u ah Muhiimadda  Lagu Kala Qaybinayo Ummada Awdal State Wuxuu Yidhi Damane Sidan-

Xaalada aan Ku  Jirno (Current Situation)

1.  Waa in La Xoojiyo  Midnimada Somaliland,

2. Waa in La Sii Xoojiyo Lana Kobciyo Nabada,

3. In la kobciyo Dareenka Dawladnimo iyo ka qayb-galka Dawladnimada Somaliland heer walba,

4. In la adkeeyo dhanna looga soo wada jeesto jiritaanka, midnimada iyo qaranimada Somaliland,

Hadaba Maxay u Taagan Yihiin Micnaha Afartan Qodob Guraatoow Waa Sidan-

1. Waa In Loo Nacamleeyaa Maamulka Dooxatadda ee Mr Siiraanyo & Xertiisa,

2. Waa In La’sii Gumaadaa Lana Bara Kiciyaa Shacabka Reer Awdal State,

3. In La’kobciyo Dareenka Doqonimo iyo u Shaqaynta Maamulka Beesha Dhexe,

4. In Loo Sadbursiiyo Lana Adkeeyo Midnimadda Maamulka Beesha Snm.

W Qoray: Suxufi Abroone

Exit mobile version