Home AyroTube MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO RA’IISUL WASAARE ABIY AXMED OO KULAN MUHIIM AH...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO RA’IISUL WASAARE ABIY AXMED OO KULAN MUHIIM AH KU YEESHAY VILLA SOMALIA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimoquraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqaasho shaqo ku yimid caasimadda dalkeenna ee Muqdisho.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Madaxtooyada Qaranka ku yeelan doona wada-hadallo ku aaddan sidii labada dhinac ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhinacyada amniga, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga, ilaalinta xasilloonida gobolka iyo la dagaallanka argagixisada caqabadda ku ah horumarka shucuubta labada dowladood.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version