Ayrotv.com- Xildhibaanada aqalka Senateka ee e gobolka Oregon, ee dalka Maraykanka ayaa Senator Keyse Jaamac oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, basle golahaasi ka mid ah u doortay inuu noqdo hoggaamiyaha aqlabiyada.
Aqalka Senateka ee gobolka Oregon, ayaa ka kooban soddon xubnood iyadoo xisbiga dumuqraadigu leeyahay maamulka aqalka maadaama uu haysto 16 kursi oo ka mid ah, halka Jamhuurigu haysto 12 xubnood. Keyse ayaana laga soo doortaa degmada 24-aad.
Keyse Jaamac oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xubnaha Senateka ee Xisbigiisu u doorteen inuu hoggaamiyo maadaama xisbigoodu leeyahay aqlabiyada golahaas.
Isagoo sharaxayey sababta ay isaga u doorteen xubnaha senetka ee ay isku aqalka ku jiraan gaar ahaan Dimuqraadiyiinta ayuu sheegay “ Annigu waxaan Senator ka ahaa gobolka Oregon afar sanadood, khibrado badan ayaan ka qaatay oo dadka badan la soo shaqeeyey. Intii ka horreysana waxaan ka mid aha jaaliyadda deggan Oregan anigoo la shaqayn jiray dadka qaxootiga ee soo haajiray meelkasta ha ka yimaadeene, waxaan xiriir la yeeshay dadka madaxda ah iyo shacabka ”ayuu yiri Faysal.
Wuxuu BBC-da u sheegay in qofka xilkan qabta ay shaqada hortaalla tahay inuu Senatarrada qof qof ula shaqeeyo, iyo in wixii sharci dajin ah ee lagu samayeynayo uu gobolka isagu maamulayo.
Gobolka Oregon waa gobol looga tiro badan yahay dadka aan caddaanka ahayn, waxaana aqalka Senateka loo doortay afar qof oo madow oo ku jiro Keyse Jaamac.
Sidoo kale Keyse Jaamac ayaa BBC-da u sheegay in uu isagu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Muslim iyo madow ah ee loo doorto aqalka Senate ee gobolka Oregon ee dalka Maraykanka.
“Dadku aad bay ii soo dhaweeyeen hadday noqon lahayd jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka ku dhaqan iyo guud ahaan Maraykanka, dadka u dhashay dalka ee madow iyo cadaanba ha noqdeene aad bay ila soo xiriireen oo ay iigu hambalyeeyeen” ayuu intaa raaciyey.
Wuxuu sheegay inay hadda hortaallo sidii uu ugu shaqayn lahaa shacabkii soo doortay ee gobolka.
Keyse Jaamac ayaa u ololeeya siyaasaddaha guriyeynta, waxbarashada shaqaalaha iyo soo galootiga.
Senator Keyse oo Maraykanka ku tagay qaab qaxootinimo ah ayaa xusay in wax walbaa ku xiran yihiin dadaalka qofka iyo taalo saarashada rabbi.
Si la mid ah sida Keyse, Soomaalida ayaa si weyn ugu soo baxay ka qayb galka jagooyinka la soo doorto ee doorashooyinkii heer gobol iyo degmo ee dalka Maraykanka, haba ugu badnaadeen kuwa ka soo galay gobolka ay ugu badan yihiin Soomaalida ee Minnesota.
Kobaca siyaasadda ee Soomaalida ayaa sanadihii dambe sare u kacay marka la eego inay ka soo baxayaan gobolo kale oo aysan ku badnayn Soomaalidu.
Waa kuma Keyse Jaamac
Keyse Jaamac, waxaa uu ka soo jeedaa qoys reer guuraa ah, isagoo yar ayuu u wareegay magaalada Muqdisho halkaas oo ka bilaabay waxbarashadiisa, markii uu ka qalin jabiyey dugsiga Sare waxaa dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye.
Waxa uu dalka ka tagay markii uu qarxay dagaaladii sokeeye, ugu dambayntii waxa uu gaaray oo uu degay magaalada Portland gobolka Oregon.
Laga soo bilaabo 2005 ilaa 2007, waxa uu tababaray hogaamiyayaasha bulshada soo galootiga iyo qaxootiga shan gobol oo kala ah Oregon, Washington, Nevada, Utah iyo Idaho.
Muddo dheer wuxuu siyaabo kala duwan gacan u siiyey oo u caawiyey qaxootiga kala duwan ee dalkaasi u haajiray sida isagu BBC-da u sheegay Faysal Jaamac.
Sanadkii 2021-kii ayaa loo doortay aqalka senetka ee Oregon, wuxuuna matalayey xisbiga Dimuqraadiga, isagoo golohaas u matala degmada 24 oo ka kooban Bariga Portland iyo Waqooyiga Clackamas.
Xigasho: https://www.bbc.com/somali