Ayrotv.com- Isniin, Nov, 18, 2024- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Taliyaha cusub ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, ayaa soo hadal qaaday khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland.
Ra’iisal Wasaaraha waxa uu ku tilmaamay hanaanka doorashada Jubbaland mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin, Waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in uu wado dano gaar ah oo aan waafaqsanayn ajendaha qaranka Soomaaliyeed, isla markaana uu ku xadgudbay dhammaan heshiisyadii la saxiixay.
Xamse ayaa ku tilmaamay habka ay u dhaceyso doorashada Jubbaland inay tahay mid dano gaar ah laga leeyahay oo aan la aqbali karin.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku nuux nuuxsaday in Madaxweyne Axmed Madoobe uusan u tartami karin doorashada Jubbaland maadaama sida uu qabo qodobka 70-aad ee Dastuurka Jubbaland oo dhigaya in Madaxweynaha muda xileedkiisu yahay kaliya laba xilli.
“Axmed Madoobe waxaa ka maqan sharciyad uu ku qaban karo doorashada Jubbaland, Tani waa sharci darro, Fal sharci-darro ahna ma soo saari karo natiijo xalaal ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay ciidamada Jubbaland inay ka waantoobaan ku lug lahaanshaha khilaafka siyaasadeed ee taagan, Waxa uu uga digay Madaxweyne Axmed Madoobe in ciidamada maamul goboleedka loo adeegsado arrimo siyaasadeed, isagoo sheegay in falalkaasi ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo.
Xigasho: ( HOL )