DHAQAN WAA DHIGAAL IYO DHAYMAN, WAASE
HADDII LA DHIGTO, LA DHUGTO, LANA DHOWRO!
Ayrotv.com Baabiley-Dhaqan “waa sida dad u qaabeeyaan waayo-aragnimadooda si cilmi ahaan ahna qofba kan kale u sii gudbiyo, jiilba jiilka xiga uu uga dhaxlo. Dhaqanku waa dhayman layska dhaxlo, haddii la dhigto, la dhugto lana dhowro. Qaab gudbinta dhaqanka waxay ahaan kartaa af ka af, ama qoraal ahaan. Waxay noqon kartaa mid loo gudbiya sheeko ahaan ama halkudhegyo ahaan, Waxaa loo gudbiyaa tusmo, tix iyo tiraab ahaan.
Waa marqaati ma doonto, in absaxankeennii iyo absuukeennii hore noo soo gudbiyeen af iyo dhaqan kumanaan jireen ah, kuwaas oo la jaanqaaday amaba ka horeeyay afafkii Sumeeriga Meesooboteemya, Ugaartiga iyo Tiiriga Finishiyiinta, Faraacinta Masaaridii hore, Ximyartii Yeman iyo koofurta Khaliijka Carabta. Waxaa intaas dheer xiriirkii dhaqaale ee ka dhaxeeyay Soomaalidii hore iyo Carabta, Faarisiinta, Hindida, Maleeshiyanka iyo Boqortooyinkii hore ee Jayniiska. Waxaase moodaa inay halkey nooga tageen wax sidaas ah aan looga badelin, balse maalinba maalinta ka danbeyso ay soo dabajarmeysay. Arrintaas waxaa ugu wacnaa, la’aanta far Soomaaliyeed oo qoran, walow ay jirtay af-Soomaali lagu qoray far carbi iyo far Hindi iyo Xabashiba. Waxaa kale oo gaasirnimada dhaqankeenna ku yimid ugu wacan burburkii maamuladii Soomaaliyeed ee ka jiray qaybaha kala duwan ee Geeska Afrika. Maamuladaas oo ay ka mid ahaayeen kii martisoorka-weynaa (ama Karanle), kii Digil-Dame ee Dhulka Boonta, kii Dhulka Berberka iyo Sinjiga, kii Walaasma iyo Awadal, kii Harla iyo Ajuuraan, kii Yurkut iyo Shankuwaaya, kii Silcis iyo Geledi, iyo kuwii ugu danbeeyay ee Dalandoolle iyo Majeerteen.
Maamuladaan ma lahayn qoraal, hase yeeshee waxay lahaayeen “hab” iyo “daw” aakhirkii noqday “dhaqan” iskiisa is wada, waxna ku darmaan waxna ka gaasirmaan. Gumeystayaashii Reer Yurub, oo hortaagnaa inuu dhaqan ka duwan kan Reer Yurub ka dhasho adduunka, ayaa maskixiyan u bedelay Soomaalida, oo markii hore ku yiri Afrikaan ma tihiin, haddana la soo taagan Muslimba ma tihiin! Taas ayaa keentay in dadka Soomaaliyeed oo muddo ka badan 1000 sano haystay diinta Islaamka, in 95%-99% aysan qori aqoonin,akhri karin ama fahmi karin Quraanka. Wixii aadan akhrininna fahankiisa buuxa helimaysid, aakhirkiina jahawareer waxaan ka ahayn, wax kale ka kordhisanmaysid. “Habkaas” qoris la’aanta iyo fahmi la’aanta diinta ayaa keenatay in Soomaalida “hadal” mooyee “daw” iyo “dhaqan” akhrisba inaanan yeelanin.
Si burburkaas nagu socdo loo soo dabajaro, waa waajib inaan dib u baxnaanino dhaqankeenna kana dhigno mid la jaanqaadi karo kuwa casriga ah ee ka jira adduunka horey u maray.
WAA MAXAY HAB IYO DAW?
Hab “waa sida wax ay u sameeyaan waxa ay samaynayaan” (the Way things, do what they do), waa fikrad laga soo xigtay garaadyahan Shiinees ah oo la yiraahdo Han-Shan Deqing (Han-shan Te-ch’ing) oo noolaa inta u dhaxaysay 1546dii illaa 1623. Waxaa jiraa hab wax loo karsho, hab loo dagaalo, hab biyaha u dareeraan, hab kabaha ama macawista loo xirto, hab fakar ama fal looga faa’ido, iwm.
Marka ugu horeeya ee qofka baranayo “habka” loo xiro xargaha kabaha kooyada ah, way la adag yihiin, markuu “habka” bartase isagoon is ogeyn ama hilmaamsan ayuu dhib la’aan si wanaagsan u xiranayaa, mana isku arkayo inuu wax weyn oo guul iyo ammaan uu ku mutaystay sameeyay. Haddiise qofka uusan marka hore baran “habka” xirashada kabaha, markuu xargihii isku margiyo ayay gunudyo la furfuri karin noqdaan, markaasuu xargihii jarjaraa, ama dad kale oo “habka” yaqaan uu baryaa si ay gunadyada u kala furaan. Qofka noocaas ah wuxuu aakhirkii nacaa kabaha xargaha ah, wuxuuna waligiisa ku socdaa dacas ama “kabo caajis” (lazy man’s shoes = kabaha xargaha laheyn).
Sidaas darteed barashada iyo fahanka “habka” waa u muhiin wax kasto oo la samaynaya. Taas ayaana ugu wacan inuu Allaha Idil- Sarreeya ku amray Nabiga (SCW) iyo cid kasto oo si daacad iyo duluc u rumeysan inay wax akhriyaan, isagoo ku yiri:أقرأ
Akhriska wuxuu ku barayaa “habka” hadalka, fakarka iyo falalka isku raacaan, isugu xigaan, iskugu xirmaan, loo kala xusho, la isugu xiro, loona xeereeyo, xuurul-caynna looga helo.Haddii “habkaas” la fahmo la habaabimaayo, habaasna na dadi maayo! Hore ayaa waxaa loo yiri: “Hab halbuu dhalaa. Halkiina labuu dhalaa. Labadiina saddexbay dhalaan. Saddaxdiina way sagaal saddex sodomeeyaan”. Tirada “sagaal-saddex-soddomeysan” waxaa loola jeedaa tiro badan oo kumanaan dhaafo oo falag ahaan aan soohdin iyo seero lahayn.
Hab kasto oo sagaal-saddex-soddomeysma oo dad badan ay ku dhaqmaan wuxuu noqdaa “daw” dadka meel degan ay ku dhaqmaan. “Daw” daahay oo la iska dhaxlana waxuu noqdaa “Dhaqan”.
Waa wax laga xumaado ah in dadka Soomaaliyeed oo muddo ka badan 1000 sano haystay diinta Islaamka, in 95%-99% aysan qori aqoonin,akhri karin ama fahmi karin Quraanka. Wixii aadan akhrininna fahankiisa buuxa helimaysid, aakhirkiina jahawareer waxaan ka ahayn, wax kale ka kordhisanmaysid. “Habkaas” qoris la’aanta iyo fahmi la’aanta diinta ayaa keenatay in Soomaalida “hadal” mooyee “daw” iyo “dhaqan” akhrisba inaanan yeelanin.
Xigasho Prof. A. S. Dhoore