Home Maxa Cusub Dowlad Dhis ay Xuddun u Tahay Aragti Amni Qaran Q-1-aad

Dowlad Dhis ay Xuddun u Tahay Aragti Amni Qaran Q-1-aad

0

Muddo dheer kaddib marki dib loo yagleelay dowladnimada Soomaaliya, waxaa aragti istiraatiijiyadeed u ah DFS ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in laga gudbo aragtidi xaaladda degdegga aheyd ee sida kumeel gaarka ah ay ugu shaqeyn jirtay dowladda Soomaaliyeed.  Waxaa si dhammeystiran looga guurayaa cinwaankii howsha qaran ee ay dowladdu dalka ka haysay taas oo ku koobneyd “Amni & Difaac,” waxaana loo guurayaa aragti cusub oo ku saleysan “Amni Qaran” (Badqabka iyo baraaraha geyiga iyo muwaadiniinta Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya).

Waxaa diiradda dowlnimada si isu dheellitiran loo saari doonaa dhammaan khataraha ku gadaaman amniga qaranka Soomaaliyeed oo loo aqoonsaday inay xilligaan ugu khatar badan yihiin arrimaha ay ka midka yihiin: Argagixisada, gooni-u-goosadka, dowlad nugeylka, isbeddelka cimillada, xuduudaha beylahda ah, faragelinta shisheeyaha, khataraha bulsho, marinhabaabinta & xogaha been abuurka ah. Wax ka qabashada khatarahaan waxa ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin soo kabashada iyo dib-u-dhiska qaranka Soomaaliyeed iyadoo loo howlgalayo si waafaqsan nidaamka dastuuriga ah ee dalka iyo istraatiijiyad qaran oo lagu maareeyo danaha amniga qaranka Soomaaliyeed.

Argagixisada

Si khatarta weyn ee argagaxisada loo cirib tiro, waxaa si dardar leh u sii socon doona gulufka dagaal ee ka dhanka ah argagixisda seddexdiisa qeybood: dagaalka militeri, midka maaliyadda, iyo midka fikirka; si looga xoreeyo dhammaan deegannada ay ku harsan yihiin ee koonfurta iyo waqooyi bari Soomaaliya, iyada oo si degdeg ah lagu gaarsiinayo deegaannada la xoreeyo maamul iyo adeegyo dowladeed.

Maleeshiyada Al Shabaab

DFS waxay gacan weyn ku siineysaa Dowlad-goboleedyada sidii ay u hanan lahaayeen amniga deegaannadooda, halka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si buuxda u gudan doonaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ka saaran difaaca guud ahaan dalka iyo danaha Soomaaliyeed. Maadaama aragagaxisu tahay khatar calami ah, waxaa lama huraan ah in iskaashi buuxa oo intii hore aad uga ballaaran ay DFS la sameyso saaxiibbadeeda caalamka si loo ciribtiro argagixisada caalamiga ah ee ay Al-Shabaab iyo Daacish qeybta ka yihiin.

Isku dayada gooni-u-goosadka

Dadka deegaanka Somaliland in ay maamul iyo kala dambeyn sameystaan waa wax waxtar u leh Dowladnimada iyo sharafta Soomaaliyeed balse aragtida gooni-goosadka ayaa ah mida khatarta ku ah amniga qaranka Soomaaliyeed. Maamulka Somaliland ee doonaya inuu dalka kala gooyo, lana fac-jirsaday burburka dowladnimada Soomaaliya, waxa uu si toos ah u kala dhantaalayaa midnimada dhuleed ee JFS, iyada oo ay Dowladda Federaalka heysato sharciyadda gudaha iyo dibedda si waafaqsan nidaamka dastuuriga ah ee Qaranka laga soo billaabo 1960kii iyo xeerarka caalamiga ah una taagan matalaadda JFS.

Arrintaan oo ka dhigan in gobannimadi JFS uu soo gaari karo dhaawac, maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan toos uga talin dhulka uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland, taas oo macneheedu yahay ineysan si buuxda uga hirgaleynin shuruucda dalka u degsan, dowladda soomaaliyana ay masuuliyad ka saaran tahay wax walba oo ka yimaadda dhulka intaas la eg ee saameynaya amniga gobalka iyo kan caalamkaba.

W/Q Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali

Faafin: https://wardheernews.com/

Exit mobile version