Ayrotv.com-Dadkarna-Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la odhan jiray Richard Corfield, Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey.
Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ah, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray col la odhan jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley. Col afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasi ahaa.
Koofil iyo ciidan uu watay jidgooyo waxay u dhigeen Dulmadoobe. Dulmadoobe waa buur gabbaad fiican, jidgooyada dagaalkana ku habboon.
Kolkay Daraawiishi suryada Dulmadoobe soo buuxiso dabka saara oo naf iyo maalba wax go’a, wax goosma iyo wax gacanteena soo gala ka dhiga ayuu Koofil amar ku bixiyey.
Bidhii waagaba hoos ayaa la isugu dhigay. Judhiiba waxay ku dhagtay Koofil oo isla goobtii ku nafwaayey. Mar haddii Koofil miimka alifka ku taagay, colkii uu watay wuu kala firdhay, Daraawiishina caymo uma galinee cagta ayey cagta u saareen ilaa ay gacanta ku dhigeen bakhtigii Koofil. Mashaqo weyn oo aan la soo koobi karin ayaa halkaa Ingiriis iyo cawaamkiiba ka raacday, rag badan oo uu Koofil ugu horreeyo ayaana maalintaa xagga naarta u guuray.
Si aan shakiba u galin geerida Koofil, Daraawiishi madiixiisii iyo gacantiisii midig ayey Taleex geeyeen. Sayidku dagaalkaa iyo dilka Koofil ayuu gabaygan caanka ah ka tiriyey. Wuxuu yidhi:
« Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda
Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh
Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji
Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh
Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh
haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh. »
Sayidku intuusan gabaygan marin waxaa gabay warbixin ah oo dagaalku siduu u dhacay iyo sidii Ingiriis iyo cawaamkiiba ay caalsaaraha uga qaateen ku saabsan tiriyey Ismaacil Mire. Anagoo Taleex naal gabayga ka kaca weeye.
Xigasho: Muliyo Centre