Home AF IYO AAG Qalbiyadii Maaxdumay Part One????

Qalbiyadii Maaxdumay Part One????

0

Ayrotv.com-Harar- Si Gaadh ah, Casharradu waxay u xambaarsan yihiin Dhismo Aragti Laga Marin-Seegey iyo Dhimanaansho Buro laga Ilduufay. Waxay leeyihiin Nuxur Dedan, Ujeeddo Soo-Saar Iftiimeed, iyo soo-Bandhigyo badan oo wax ku ool ah. Waxay inoo soo Bandhigayaan Mashaqooyinkii ka Unkamay Dhulkii Laga Fara-Maroorsaday Beelaha Awdal State ee Xoolo-Dhaqata, Ganacsatada, Mutacalimiinta iyo Gadhwadeenkii Caro Edeg. Waxay Taabanayaan Ogaallada Ciidameed, kuwa Siyaasadeed iyo kuwa Istraateeji. [ Strategic ]- Biya-dhaca Casharradan waa soo Gudbin Muuqaalladii uu lahaa Dhulboobkii, Barakicintii, Sadbursigii, Dulmigii, Garsoodh-xumadii iyo Digasho Haan Duugoobayn. Taa sooy Beelaha 29 ka ah ee Awdal State ay ku Doonayeen in ay Dib usoo Ceshadaan Urursanaanta Bulshadooda Gumeysigu kala Baahiyey:

Waa casharro inoo keydinaya tamar iyo garasho aanu ku haleelno waxaanu lahayn iyo waxaanu isu ahayn, si aanu u ilaashano dhaqankii hufnaa ee isku kaaya hayay iyo isla-weynidii lagu yiqiin awoowayaasheen kuwaasoo ahaa cawa-dhalad hido iyo hoodaba ulahaa hormuud lagu xardhay ilbaxnimo aad u qotodheer. Si aanan loo ilaawin hantida milgoon ee inagaga maqan gacanta ummadaha shisheeye, si eeyn uga tirtirmin xusuusta taariikhda, Geesiyaashii qoomiyada Gadabursi ee qaaliga iyo raqiiskaba u huray difaaca madax-bannaanida dadkooda, si facaha cusub loogu bidhaansho ahaansheheenii hore iyo lahaansheheena Maanta. Casharradan waxaanu ka heleynaa sidii ay dadkayagu uga gudbilahaayeen xuduuddii lagu dhisay gardarro garab og xilli aanu ku sugnayn gaajo guri og.

Casharradu waa fal ugub ah iyo geesinimo ku-dayasho leh, taas oo siiwadid mudan. Iyada oo ay jidho in xilliga qoraalkaani uu ku soo beegmay, goor ay dadkagii ay lumiyeen is-maamulkoodii qaranimo, ayay taasi waxay horjoogsi ku noqotay, aqoonyahanka iyo howsha cilmi-baarista ah ee haanu bilownay:

intaa hadaan kaga baxo Araarta Maqaalka waxaan Huunadey Ugalaynaa Gun-dhiga casharadeena taxanaha noqondoono haduu alle idmo inagoo u soo kala horeyna sida hay ukala culusyihiin waxaana iga afeef ah in micnaha qormadaan ay tahay Dulmi-diid, Xakh-Udirir iyo Hur Naf iyo Mid Maalba.

Hadaba Inagoo Ka Duulayna Magac Martabeedka Cinwaankeenu uu Sito ee ah ‘Qalbiyadii Maax’dumay’ aynu xoogaa is yara dultaagno Waa ayo Qolyaha ay Buurtu ku Gud’bantahay. kolkaa waxaynu Farta ku Fiiqaynaa Sifooyinka Keenay Qolyaha Iskood u Maax’dumay Waana Sidan-

Cidii Ku Guul Daraysata Wixii Ummadu ay u Igmatay Waa Ceel Maax’dumay?

Shaqsiyaadka ku Caanbaxay Ka Mira Dhalinta Himilooyinka Foosha Xun leh?

Facaha [ Generation ] ku Kacaamay Keenada Adoonsiga & Habrashada?

Odayaasheena u Nool Raali-Galinta Duqeyda Asaagood ee Bari & Bogoxba?

Curadadeenii Loo Hanweynaa oo Sidig-Maqaarlay Sad Hufan Mooday?

Siyaasi Dalanbaabi ah oo Xaaladiisu Tahay Mid Axalan?

Qurba-Joog Baxsi-Guriyadu u Bisil ?

Aqoonyahan Biyood ah oo Dharaarta Aaskiisa un Laga War Helo?

Xildhibaan Bey-beeysi ku Nool Baahidiisuna Tahay Bowlad ?

Gaashaan Qaad Gadooday oo Misna Gole Joog ah?

Geba-gabadii Casharkeena Wax aan Filayaa inuu noo Iftiimiyay Waxyaaba Badan oo ay Nafteenu Ku Dhiiran kari Weyday

Walaalkayoow La Soco Qaybaha Xiga,,,

Qore: Suxufi Abroone

Gudoomiyaha Adal Ghost Group

Allaa Mahada Leh

Sharaxa Ereyada:

1 Axalan: [ Muur’muursiga laf timireed?

2 Baxsi Gurayo: [ Dadka Sokeeyaha u Dhiiran

3 Biyood: [Nin Jilicsan ]

4 Bey-beeysi [ Baryada Liidata ]

5 Maax Dun [ Ceelku Kolkuu Maaxdumo

6:Bogox [ Galbeed

Qore: Suxufi Faisal A. Abdulahi Abroone

Exit mobile version