Home Arimaha Bulshada Yaa Bur-Burshay Qaranimadii Bulshada Soomaaliyeed?

Yaa Bur-Burshay Qaranimadii Bulshada Soomaaliyeed?

0

Yaase Hortaagan Inay Mar’uun Ummadda Soomaliyeed Milgaheedii Soo Ceshato?

Part One!!

Ayrotv.com-Lughaya -Shaki kuma jira in su’aalahaan jawaabtooda lugu kala duwan yahay iyo sidii ay ku soo bilabatay dhibaatada ku habsatay ummadda soomaliyeed iyo sidii xal waara loogu heli lahaa. Anigase labadaan su’aal, jawaab ahaan waxaan ka aaminsanahay in Soomaliya ay burburisay dowladda Ethiopia, haddana ay hortaagan tahay inay Soomali mar’uun lugaheeda ay ku istaagto. Waxaan kaloo aamin sanahay Xuduudyada caalamka waxey kala qeybiyaan wadamada iyo bulshoyinka kunool dunidan.

Wadankastana oo leh juquraafi lugu aqoondsado iyo shacab ku sifoobay Luqad, Dhaqan, Diin iyo Taarikhba waxaa Haga Nidaam, Nidaamkaasna waxaa Dusha ka Haga nidaam Dowladeed oo ku Dheelitaran Habnoleedka ummadaas. Nidaamkasta oo Dowli ahna Hadafkiisa waa inuu Tiigsado Horumarka ummadas, kana jawaaba ciladaha lasoo Gudboonaada Habsami usocodka howlaha wadanka iyo Dheelitirka Aqabadaha Gudaha iyo Cadaadiska Dibada ee ku Wajahan Wadankaas .Wiiqi karana Nidaamyada ku Miisaman Howlaha Bulshada, Dhaqaalaha ,Wadanka, Syiaasada, Midnimada Guud Ee ummadda, iyo awooda uu Dalka uu ku Difaacan karo Xuduudyadisa,

Hadaba si aan u Darisno Burburkii ku Dhacay Dowladii Soomaliyeed Anagoo Tixgalinayna Nidaamkii Dowladeed, Mid Bulsho, Mid Siyaasad iyo Mid Dhaqaaleba ay Soo Tigsatay Dowladii Soomaliyeed si aan u Fahano Barbilowga Burburkii ku Dhacay Qarankii Soomaliyeed. Hadaba aniga waxaan Qabaa Burburkii Qaran iyo Jahwareerka maanta ay ku jirto ummadda Soomaliyeed inay marka hore Inoogu Soogudubtay Caro Ilaahey, Tani labaadna Shirqoolo Farabadan oo isugu Jira Caqabad Gudaha (internal strains) iyo Cadaadis Dibadda (external stresses) oo Dhamaantood sababay in Dalkii Soomaaliyeed Xaalkiisu Noqdo Dhagay Far:

Hadaba aqabadda gudaha waa mid ku timid burbur dhaqaale, mid bulsho iyo mid siyasadeed oo sababtay inuu hoos u dhigo moral-kii qofka soomaliyeed uu ugu xirmi lahaa wada shaqeynta Bulshadiisa, uguna hogaan sanaan-lahaa Xukuumada Wadankiisa, kuna Timid Qaab Cadaalad Darro, Sinaan la’aan, Qabyaalad, Hantidii Qaranka oo laga Hantigeysto, Laguna Lunsado shacabka Hotiisa, Sharciga iyo Nidaamka wadanka oo lagu Tunto, Ummadda oo Dhuunta laqabto, Qofka oo La’duudsiiyo Xaqqiisa, Shaqo la’aan Joogta ah, Qabiilada oo La’isku Hubeeyo, ummadda oo loo caga jugleyo si cabsi joogta ah loogu Beero, Sicirbarar kuyimada Qiimihii nolasha, kacdoon siyaasadeed, iyo Xasilooni Darro joogta ah. Kolkaa Cadaadiska Dibaddana, isna waa mid ku Yimid Qaab Siyaasadeed, mid Dhaqaale, iyo mid Militari oo Beesha-Caalamka ay ku Qaseen habsami u socodkii dhaqaalaha wadanka, adeegyadii bulshada iyo hogaanka wadanka kuna yimid qaab mucaawino ku dhisan mid siyaasad (Politics of foreign aid), mid dhaqaale (Economics of foreign aid), iyo mid militari (military of foreign aid) oo dhamaantood sababtay in wadankii uu ku xirmo gacan shisheeye, una marti galo inuu kaalmo ka helo ITALY, USSR, USA, CHINA, UEA, Gemany, Europian Devolpment Funds, UN Agencies, sida UNDP, UNIDO WFP, UNHCR, FAO, UNICEF, IDA, iyo World Bank, oo Dhamaadtood Kaalmooyin Kaasi ay Suurtagalisay in lagu Burburiyo Waxsoosaarkii Wadanka,laguna Jahwareersho Dheelitirkii Dhaqaalaha Wadanka, Dibadda iyo Gudahaba, laguna Abuuray Dhaqamo Qalafsan oo lagu Wiiqayo Hogaankii wadanka, Adeegyadii Bulshada iyo Maskaxdii Ummadda Soomaliyeed sida,

Xafiisyada Dowladda oo la Dhaxgeyo Laalush iyo Masuqmasuq, Sharciga wadanka oo qof Daruuftiisa loogu Leexdo, Hantidii qaranka iyo middii shacabka oo la lunsado, qof hantidiisa oo lala wareego laguna wareejiyo qofkale aan xaq ulaheyn. Hadaba Dheelitir la’aanta aqabadda gudaha iyo cadaadiska dibadda si looga jawaabo waxey ku xirnayd hadba awooda dhaqaale uu wadanka uu leeyahay, xiriirka dhaqaale ee ka dhaxeeya hay’adaha wadanka iyo Hogaamiyaashoda iyo Aqoonta Sare ay ummadda uleedahay kobcinta Dhaqaalha wadanka iyo maamulka Guud ee Bulshada. Xal uhilid la’aanta Cildahaanna waxay sababtay inay sii kordhiso Cadaadis kale oo sababa inuu isbedelo u keena Nidaamayadii kale ee Adeegyadda Bulshada ee isku Hayey Baahida Ummadda:

Ugu danbeyntiina ciladahan ay suurta galisay in qarankii Soomaliyeed uu burbur ku dhaco. Hadadba sida dhabta ah labadan cilad markii aad u kuurgasho waxey ku dhaxalsiineysaa in Carqaladooda ay ku yimaaden shirqoolo kala duwan oo logu Marinhabaabinayey ummadda Sommaliyeed, laguna hor istagayey Dawlad kastaa ee Soomaliya ka Dhalata, kana Shaqeysa Midnimada, Horumarka iyo Awoodda ummadda Soomaliyeed ee carqalad u keeni karta wadama Dariskeena ee Dad iyo Dalba aan wadaagno. Waxaana Aaminsanahay Barbilowga shirqoolkan waxaa Hormuud u ahaa Dowladda Ethiopia’ iyo Bahwadaagteeda Masiixiga ah oo aan u kala Hadhin Gumeysiga, kala Qeybinta iyo Burburinta ummadda Soomaliyeed. Sida aad la’Socotaan Dowladda Ethiopia oo ilaahey Daris Inooga Dhigay ayaa Waligeedba waxa ay Damacsaneed Dadka iyo Dalka Soomaliyeed inay Gumeysato, Xeebahoodana ay isku Qaadato.

Damacaana wuxuu soo jiitamayey Tan iyo xiligii ay jirtay ummadd Soomaliyeed. Waxeyna si Badheedh ah Weeraradeeda Guracan ay u Cadeysatay Qarniyadii 12,13, illaa Qarnigii 16aad oo Dhamaantooda kulmiyay Taarikhda aan ka Xasuusano Imam Ibraahim Ahmed Gurey 1531 inuu Dagaalo kala Hortagey dowladii Masiixiga ahayd ee Ethiopia si uu Ubadbaadsho Dadka iyo Dalka Soomaliyeed, Xeebahooda iyo Diintoodaba. Sababtayna in Dowladda Ethiopia ay Waqtigaas u Hiilo Yeedhato Quwadihii Awoodda Badda Dhaxe iyo Badweynta Hindiya. Ayna kamid aheyd Dowlada Portuqiis-ka si ay ugu jabiso dawladii Islaamka aheyd uu hormuudka u ahaa geesigii Somaliyeed Imam Ibrahim Ahmed Gurey ee dadka iyo dalka Soomaliyeed difaaca u ahaa. Ugu danbeytiina weerarkan ay ku bahoobeen dowlada Ethiopia iyo ciidamada Portiqiskan uu sababay inay ku Dilaan Geesigii Imam ibrahim Ahmed Guray Feb21,1543 (Allow kuu naxariiso).

Hadaba Cadowtinimadaan ku saleysan Isgaashaanbureysiga Ethiopia iyo Portaqiiska iyo Xasuuqii Faraha Badnaa ay u Geysteen ummadda Soomaliyeed, waxaa ay Daah-furtay Taarihk Cusub iyo Cadaawad aysan Waligeed Ummadda Sommaliyeed Hilmaami Doonin: Lasoco Qaybaha Xiga,,,,,,,,,,,

Ref: Mr Abdirasaq Hiirad

Suxufi Faisal A. A. Abroone

Exit mobile version